“Qabo Been Buu Ii Sheegay Ee Anigu Been,”Ramaax

0
134 views
“Qabo Been Buu Ii Sheegay Ee Anigu Been,

“Qabo Been Buu Ii Sheegay Ee Anigu Been,”Ramaax

Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax oo Madaxweynaha Somaliland ka soo bedelay gobolka Togdheer una bedelay Gabiley ayaa sheegay in uu wax badan ka sheegi doono reer Burco iyo sababaha ay waxyaabo badan uga qabsoomi waayeen marka uu xilka wareejinayo. Badhasaabkan bulshadu ku xamato badhasaabka wareegga ayaa u muuqda mid dhaliilsan bulshada gobolka Togdheer.

Waxa uu sheegay in Gabiley u dhaamayso Burco “Galbeedka horumar baa laga shaqeeya ee hadal lagama shaqeeyo, kollay aniga naf ahaantayda(Gabiley) way iiga duwanaan doonta Burco. Burco waa magaaladaydii waan jeclahay waa magaaladan ku dhashay oo aabbahay waa ka halkan degen oo xumaan lama jecli laakiin, waxay tahay waxaan idiin sheegi doona iyo waxa wax badan ugu qabsoomi waayeen maalinta Xilwareejinta ayaan la sugaya,” Sidaas ayuu yidhi Ramaax.

Ramaax oo xilka kala wareegay badhasaabkii hore ee Togdheer Maxamed Aadan Qabo waxa uu sheegay in uu been uga sheegay gobolka markii uu ku wareejinayay laakiin, aanu isagu badhasaabka cusub been u sheegi doonin “Sidii Qabana ee uu is yidhi ‘beenta u dhiib’ anigu reer Burcaan ahay oo waan iska garanaye dee Xamse oo isna reer Burco ah been u sheegi maayo ee xaqiiqada dhabta ah ee jirta ayaan u sheegaya,” Sidaas ayuu yidhi Badhasaab Ramaax.

Waxa uu bulshada gobolka uu dhalliilsan yahay u soo jeediyay in ay ka waantoobaan, isaga oo sheegaya in aanay jirin cid ka jecel bulshada reer Togdheer laakiin, aanay ahayn in xaqiiqada dadka lagala xishoodo. Waxa uu ku dooday in dawladnimada ay bulshada Galbeedku kaga fiican tahay bulshada Bariga waxaanu tilmaamay in uu wax badan ku soo kordhin doono gobolka loo bedelay oo uu madaxweynaha uga mahadceliyay magacaabistiisa.

Halkan ka daawo muuqaalka waraysiga Ramaax

Gudoomiye Ramaax Oo Waraysi Kaga Hadlay Weerarkii Galabta Lagu Qaaday

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.