Qaabka Loo Qoondeeyay Miisaaniyadda 2018 Ee Wasiirradu Ka Cawdeen

0
560 views
Xukuumadda Oo Soo Celisay Saddex Mashruuc Oo Xukuumaddi Siilaany Bixisay
Wasiirka maaliyadda

Qaabka Loo Qoondeeyay Miisaaniyadda 2018 Ee Wasiirradu Ka Cawdeen

Odoroska Miisaaniyadda 2018 ayaa maanta la hor geeyay golaha wakiillada Somaliland kadib markii dhawaan golaha wasiirradu si aqlabiyad ah u ansixiyeen. Miisaaniyaddan ayaa lagu sheegay mid mashaariic horumarineed xoogga saaraysa, sidoo kalena ammaanku ka mid yahay wayxaabaha miisaaniyad badan loo qoondeeyay.

Horumarinta biyaha ayaa miisaaniyadda ka ah 1%, horumarinta caafimaadka ayaa ka ah 4% halka horumarinta waxbarashadu ka tahay ilaa 8%. Marka la eego odoroska Miisaaniyadda waxa muuqda in aanay badnayn adeegyada aasaasiga ah sida biyaha oo ah baahiyaha ugu badan ee jira maaddaama abaaro soo noqnoqda nugleeyeen bulshada Somaliland.

Miisaaniyaddan ayay saluugeen badi golaha wasiirrada sida ka muuqatay hadalka madaxweynaha markii goluhu ansixinayay uu ku sheegay in ay sideeda ku ansixiyaan iyaga oo aan ku qanacsanayn, islamarkaana hal daba la ugu codeeyeen.

Sayruuqnews ayaa fahansan in wasiirrada qaar waxyaabaha ay gudbisteen laga reebay ilaa 60%, islamarkaana ay ka muraara dilaaceen qoondada loogu daray miisaaniyadda hase ahaatee lama oga in golaha wakiilladu wax ka bedeli doono inkasta oo aan looga baran kala hufidda miisaaniyadda, islamarkaana ay duuduub ku ansixiyaan.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.