“Puntland Reer Galbeedkay Lacag Kaga Qaadata Shabaabka Buuraha Galgala,” Somaliland

0
848 views
“Puntland Reer Galbeedkay Lacag Kaga Qaadata Shabaabka Buuraha Galgala,” Somaliland

“Puntland Reer Galbeedkay Lacag Kaga Qaadata Shabaabka Buuraha Galgala,” Somaliland

Hargeysa(Sayruuq) Dawladda Somaliland ayaa iska fogaysay eedaha maamulka Puntland kula xidhiidhiyay kooxda Alshabaab ee joogta buuraha Galgala oo xalay saqdii dhexe weeraray saldhig ciidamada Puntland leeyihiin. Maamulka Puntland ayaa ku dooday in kooxdaas oo Somaliland taageero ka helaysa soo weerareen.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo BBC-da la hadlay wuxuu sheegay in aanay sinaba Somaliland xidhiidh ula yeelan Karin kooxaha Argagixisada ah, islamarkaana ay eedaha noocaas ah miciin biday Puntland oo uu ku eedeeyay in ay beesha caalamka lacag ku waydiistaan dagaal ay galgala kula galaan Shabaab.

Ugu horeyn wasiirka oo ka hadlayay eedda Puntland wuxuu ku jawaabay “Aad iyo aad baan uga xumahay in Puntland intaas ka kori waydo. Somaliland hankeeda maaha, hoggaaminteeda maaha, mustaqbalkeeda maaha, dareenkeeda maaha in ay qayb ka noqoto falal argagixiso oo cid kale lagula kacayo waanan ka xunahay.”

Waxa uu sheegay in Somaliland hore dhanka ammaanka ugala shaqaysay Puntland “Anagu falkii lagu laayay culimada ee Puntland ka dhacay ee sheekhii Gacamay ka dhacay, ciddii falka gaysatay ayay Somaliland qabatay oo ay waliba Puntland dib ugu celisay, Somalilandna arrinkaas ilaa bilawgii dadaallo xoog leh bay kaga jirtay. Anagu dhinacayaga waanu ka ilaalina, ciidama noo jooga oo xaaladdooda waanu la socona, in dhulkayaga loo soo gudbo ayaana xil naga saaran yahay waanan ka war hayna in Buuraha iyaga had iyo jeer dagaallo ku dhex maraan laakiin, waxaanu u aragna in aanu dagaal rasmi ah ahayn ee uu yahay dagaal ay ku baayacmushtaraynayaan oo ay reer Galbeedka hanti lagaga qaato Alshabaab baanu buuraha Galgala kula dagaallamayna laakiin, anaga cidna noogama soo gudubto wax xidhiidh ah oo aanu la leenahayna ma jirto,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka oo sii hadlaya wuxuu Puntland ku eedeeyay in aanu rasmi ahayn dagaalka Galgala laakiin, ay Puntland dhaqaale ku raadsato “Xadka aanu Soomaaliya la leenahay ee Puntland ugu sokayso waa dad aanu walaalo nahay, isku af nahay, shalayto aanu isku dawlad ahayn, in aanu sida aanu Jabuuti iyo Itoobiya ula noolahay ula noolaano aad iyo aad baanu u doonayna marar badana mawqifyadayada iyo arrinka nabadda halka aanu ka taaggan nahay waanu sheegnay laakiin, Madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisay ka socota ee anaga nagama socoto,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here