Puntland Oo Toogasho Ku Xukuntay Askari Hargeysa Jooga

0
1,303 views
Puntland Oo Toogasho Ku Xukuntay Askari Hargeysa Jooga

Puntland Oo Toogasho Ku Xukuntay Askari Hargeysa Jooga

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa waxay dil toogasho ah ku xukuntay askari dhawaan kasoo goostay ciidanka maamulkaasi una soo goostay dhanka Somaliland. Maxamed Maxamuud Yuusuf oo dhalasho ahaan Somaliland ah ayaa ciidamada Puntland kala soo goostay gaadhi ciidan oo ay qoryo saaran yihiin waxaana lagu maamuusay taliska ciidanka Qaranka ee Hargeysa.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ee Puntland S/Guuto Saciid Abyan Cigaal ayaa maxkamada ka hor sheegey in xukumane Maxamed Maxamuud Guure uu yahay danbiile Qaran oo khiyaanay dalkiisa isla markaana waxaa uu Guddoomiyuhu sheegey in qofkii soo qabtaa in uu leeyahay abaal marin.

Maxamed Maxamuud Yuusuf oo la siiyay darajada Kabtan horena Puntland uga ahaa laba xidig leh ayaa loo qabtay munaasibad lagu qabtay xarunta taliska ciidamada qaranka ee Hargeysa oo ay goob joog ka ahaayeen saraakiisha ugu saraysa ciidanka qaranka iyo wasaaradda gaashaandhigga Somaliland.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland ayaa Kabtan Maxamed Maxamuud Yuusuf u sheegay in ciidiisii uu joogo, islamarkaana aanay jirin cid kale laguna abaal marin doono shaqooyinkiisa ciidan. Waxa uu askarta kale ee halkii uu ka yimid joogta u sheegay in ay ku tusaale qaatan sida loo maamuusay saaxiibkood.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.