Puntland Oo Somaliland Ku Eedaysay Weerarka Balli Khadar

0
629 views
Puntland Oo Somaliland Ku Eedaysay Weerarka Balli Khadar
Guddida difaaca Puntland

Puntland Oo Somaliland Ku Eedaysay Weerarka Balli Khadar

Shir jaraa’id oo ay qabteen guddida difaaca maamulka Soomaaliya ee Puntland waxay Somaliland ku eedeeyeen in weerar xalay lagu qabsaday saldhig ciidamada maamulkaas ee baddu ku leeyihiin meel 50km u jirta Boosaaso ay Somaliland ka dambeysay. Eedaymaha noocan ah oo ay soo celceliso Puntland wax caddaymo ah kuma ladhin.

Laakiin, waxa uu wasiirka difaaca ee maamulka Puntland Axmed Cabdilluuhi Dawlad ku dooday in guutada 8-aad ee Ciidamada Qaranka Somaliland taageeraysay kooxda Alshabaab ee weerartay Saldhigga. Waxa uu xusay in Sarkaalka Maxamed Cabdullaahi Bataar oo ka soo jeeda beesha Habarjeclo uu qayb ka yahay saraakiisha caawinaysa Shabaab laakiin, habayaraatee wax caddayn ah ma sheegin.

Wasiirkan Puntland u hadlay oo la waydiiyay eedaynta culus ee Somaliland u jeedinayo waxa uu caddayn u hayo wuxuu ku dooday in caddayntu tahay Somaliland oo nabad ah iyo Soomaaliya inteeda kale oo dhibaatooyin ka dhacayaan.

Sida ay saraakiisha ciidanka xalay lagu weeraray Saldhigga Balli Khadar u sheegeen warbaahinta Garowe Online waxay kooxda Shabaab qabsatay Saldhigga waxaanay sheegatay in ay dileen Ciidamo ilaa 7 gaadhaya, islamarkaana ay gaadiid gubeen. Waxyeellada gaadhay gaadiidka waxa qiray wasiirka Puntland u hadlay oo ku dooday in gaadiid wax gaadhay dib loo farsamaynayo.

Punland oo olole dagaal oo ka dhan ah Somaliland ka wadday Tukaraq, islamarkaana ciidan urursanaysay ayaa u muuqata in weerarka kooxdani amakaag ku keenay, islamarkaana dib u xasuusiyay weerar kooxdu bishan May sanadkii hore waxyeello ku gaadhsiisay saldhigga Af Urur ee Puntland leedahay.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here