Puntland Oo Raadinaysa Masuul La Sheegay In Uu Somaliland Soo Galay
Maxkamadda darajada koowaad ee maamulka Puntland ee Soomaaliya waxay amartay in la soo xidho Barkhadle Muuse Aadan oo ahaa xisaabiyaha gobolka Mudug ee wasaaradda maaliyadda. Masuulkan ayaa la sheegay in uu ka baxay Puntland. Warbaahinta Garoweonline waxay sheegtay in la rumaysan yahay in Mr Barkhadle u tallaabay dhanka Somaliland.
Masuulkan ayaa lagu haysta in uu la baxsaday lacago ah mushaharaadka shaqaalaha iyo lacagaha ciidamada waxaana in la soo xidho isla qaatay wasaaradda maaliyadda, xeer ilaalinta iyo maxkamadda laakiin, masuulkan ayaa intii hawshu socotay la sheegay in uu isaga baxay Puntland.