“Puntland Oo Qaylo Dhaan Qabali & Isir Ah Wadda Waxaan Leeyahay..,” Madaxweyne Biixi

0
583 views
Maxay Siyaasad Ahaan Ka Dhigantay Madaxweyne Biixi Oo Todobaad Gudihii 3 Madalood Kaga Hadlay Dagaalka Tukaraq?

“Puntland Oo Qaylo Dhaan Qabali & Isir Ah Wadda Waxaan Leeyahay..,” Madaxweyne Biixi

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxaanu ku taliyay in aanay Soomaaliya dagaalka ka jira u soo rarin gudaha Somaliland, islamarkaana labada dhinac u baahan yihiin nabad ku wada noolaansho iyo iskaashi dhanka horumarka ah.

Madaxweynuhu wuxuu sidaasi ku sheegay munaasibad tababar loogu soo xidhayay ciidamo boolis ah oo qaatay tababar dhanka baadhista ah.

“Nasiib darro dagaal aynaan u baahnayn ayaa ka dhex socda Somalia iyo Somaliland.Somalia iyo Somaliland maanta dagaal uma baahnayn, in aynu isku soo duulno uma baahnin, in aynu dad iska dilno uma baahnin. Waxaynu u baahnayn in aynu iskaashanno si aynu abaaraha, biyo la’aanta, caafimaad darrada, shaqo la’aanta iyo iskuul la’aanta uga baxno, Somaliland-na hadafkeedu kaas ayuu ahaa; in ay dariskeeda nabad u fidiyaan, in ay wax wada qabsi u fidiyaan oo jaarnimo wanaagsan lahaano dhinac walba Soomaaliyana sidaas ayaanu la doonayna,” sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi

“Nasiib darro dad baa arrintaas fahmi waayay oo ay kaga dhegtay in ay na soo weeraraan waana diiniyan qofka haddii la soo weeraro in uu naftiisa difaaco, marka Somaliland difaac uun bay ku jirtay dalkeeda iyo Qarannimadeeda ah ee weerar uma socoto, waxyeelo jaarkeeda ah uma socoto kuwa Soomaaliyana iskaba da, waxaanu u tarno mooye waxyeello ulama socono,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu wuxuu farriin u diray maamulka Puntland “Dadka Soomaaliya gaar ahaan Puntland ee qaylo dhaanta dheer ee qabaliga ah ee isirka ah wada waxaan leeyahay waxa ka wanaagsan inaga oo iskaashana oo laba Qaran, laba dawladood oo walaala ah oo isku af ah oo isku diin ah oo isku mid ah oo wax istara in aynu noqono ee dabka ka baxaya Muqdisho iyo Garoowe in aad ku soo gubto Somaliland taladu kuma jirto. Haddii gurigaagu gubanayo waanu kula bakhtiinayna laakiin, adigu dabka gurigayaga ha u soo gudbinin.”

Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu dambeyn sheegay in dooda Somaliland ku salaysan tahay Xuduudaha caalamiga ah ee Afrika oo dhan ku deggan tahay taasna aan la bedeli Karin. Waxa uu sheegay in Somaliland ku fooggan tahay horumarka, islamarkaana aanay dagaal nafsad u hayn.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.