Puntland Oo Ka Jawaabtay In Gaas Ka Shakiyay Ciidamadiisa Tukaraq

0
373 views
Puntland Oo Ka Jawaabtay In Gaas Ka Shakiyay Ciidamadiisa Tukaraq

Puntland Oo Ka Jawaabtay In Gaas Ka Shakiyay Ciidamadiisa Tukaraq

Warar todobaadkan warbaahinta Puntland si weyn u baahisay ayaa sheegay in Cabdiwali Gaas shaki weyn iyo walaac ka muujiyay ciidamada uu isugu keenay jiidda Tukaraq isaga oo ka warwarsan in ciidamada qaar ka amar qaataan siyaasiyiin musharraxiin ah taasna ay keento in ay amar diido ku sameeyaan ajandihiisa ugu weyn ee dagaalka Tukaraq oo ah in uu muddo korodhsi ku helo.

Wararku waxay sheegeen in aanu Cabdiwali Gaas ogolayn in dagaal iyo nabad midna lagu dhammeeyo xiisadda Tukaraq ka hor inta uu hirgalayo ajandihiisa ah muddo korodhsiga waxaanu sida wararku sheegeen Khamiistii golihiisa wasiirrada siiba masuuliyiinta ka soo jeeda Karkaar u sheegay walaac uu ka qabo ciidamo degaannadooda kaga soo biiray jiidda Tukaraq oo uu ku tilmaamay kuwo siyaasadaysan.

Cabdillaahi Maxamed Barre (Caato) guddoomiyaha gobolka Karkaar ayaa wararkan ka difaacay Cabdiwali Gaas.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.