Puntland Oo Cambaaraysay Lacag Somalia Siisay Somaliland

0
759 views
Puntland Oo Cambaaraysay Lacag Somalia Siisay Somaliland

Puntland Oo Cambaaraysay Lacag Somalia Siisay Somaliland

Hargeysa(Sayruuq) Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa cambaareeyay lacagta halka milyan ah ee Soomaaliya shalay sheegtay in ay ugu deeqday dadka duufaantu ku saamaysay degaannada xeebta gobolka Awdal waxaanay ku sheegeen in lacagtaas Somaliland ku iibsanayso hub kuna dhisayso ciidamadeeda.

Guddida difaaca Puntland ayaa ku doodaysa in Xukumadda Muqdisho la safatay Somaliland qaybna ka noqotay dagaalka Tukaraq waxaanay dadkooda ugu baaqeen in ay lacagta Hargeysa la geeyay u qaataan calaamad casaan ah oo ay digniinteeda lahaadaan waxaanay eedo kulul u jeediyeen xukumadda Federaalka ah.

Geesta kale wasiirrada iyo xildhibaanno ka soo jeeda beelaha dega Bariga Somaliland iyo Puntland ayaa qoraal ay soo saareen kula saftay maamulka Puntland kuna dhalliilay Somaliland waxaana taas isla maanta ka jawaabay wasiirro iyo xildhibaanno kale oo Somaliland ka soo jeeda kana tirsan goleyaasha Soomaaliya kuwaas oo sheegay in cidda isirka wax ku doonaysa tahay Soomaali diid, islamarkaana loo baahan yahay wixii Somalia iyo Somaliland ka dhexeeya in lagu dhammeeyo wada hadalladii labada dhinac.

Arrimaha isirka ku saabsan ee maamulka Garoowe ku abaabulayo bulshada gobolka Sool ayaa u muuqda kuwo socday ilaa Muqdisho, islamarkaana bur iyo biyo u kala saaray siyaasiyiinta halkaasi wada joogta maaddaama Puntland sida fiinta uga qaylisay lacag ra’isal wasaare xigeenka Soomaaliya oo Hargeysa ka soo jeeda shalay shaaciyay in dadka Awdal ku tabaalaysan loogu deeqay hal malyan.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.