Puntland Oo Bulshada Somaliland Kala Qaybinaysa

0
915 views
Puntland Oo Cambaaraysay Lacag Somalia Siisay Somaliland

Puntland Oo Bulshada Somaliland Kala Qaybinaysa

Maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa bilaabay luuqad cusub oo uu kula hadlayo bulshada Somaliland taas  oo uu badhkood kaga reebayo eedaha ay Somaliland u jeediyaan.

Masuuliyiinta u hadla Puntland ayaa bilaabay in ay xukumadda Kulmiye ee talada haysa ku jahaysa eedooda iyaga oo u jeeda beelaha Subeer Awal iyo Habarjeclo. Masuuliyiin maanta u hadlay ayaa ku dooday in weerar dhawaan ka dhacay buuraha Galgala laga soo abaabulay Hargeysa iyo Bariga Burco waxaanay si toos ah u maageen madaxweyne Biixi iyo wasiir Maxamed Kaahin.

Puntland waxay muddooyinkan u dambeeyay garaacaysay durbaanka qabyaaladda oo ah in ay daarood lugta ku marato waxaanay sheegtay in Illaahay siiyay gobollada Bariga ee Somaliland iyaga oo u jeeda in ay isku hayb yihiin taasna ka dhawdahay xuduudka Ingiriisku sameeyay.

Somaliland gudaheeda ayaa siyaasad ahaan lagu falanqeeya kala qaybsanaanta siyaasadeed ee doorashadii November laga dhaxlay taas oo iskaashi siyaasadeed ka muuqday beelaha Subeer Awal iyo Habarjeclo waxaanay u muuqata in Puntland halkaasi ka shidaal qaadanayso si ay bulshada badhkeed nasteex uga dhigato badhna Somaliland ugu xumbaariso.

 

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.