Prof Samatar Oo Farriin U Diray Cabdiwali Gaas

0
503 views

Prof Samatar Oo Farriin U Diray Cabdiwali Gaas

Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa maanta gaadhay jiida hore ee ciidamada Qaranka ee aagga Tukaraq halkaas oo uu kula hadlay ciidamada soona eegay xaaladdooda. Waxa uu sheegay in uu ku bogaadinayo ciidamada hawshooda difaaca ah ee ay halkaasi u joogan.

Waxa kale oo uu farriin u diray madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Gaas oo uu ku boorriyay in aanu ku foognaan dagaal ee horumarka ka fikiro “Walaalaheen Puntland in badan baan ka aqaana, Dr Cabdiwali waan aqaana, xogaa buu jaamacadaha iga dambeeyay oo aad baanu isu naqaana, waa dadkeenii, waa dad Soomaaliyeed, dhaqan baynu wadaagna, af baynu wadaagna, diin baynu wadaagna laakiin, laba wadan oo kala Qaran ah ayaynu nahay sida waddamada duniduba kala yihiin sida Carabta; waa dad Carab ah diinta Islaamka wadaaga qaarkoodna daris yihiin laakiin wada nool oo heshiis ah. Marka reer Puntland waxaan leeyahay tartanka inaga dhexeeya ku dagaal yaanu noqon, tartanka inaga dhexeeya ha noqdo mid dhaqaale dhis, mid jaamacado iyo iskuullo dhis, hawada iyo dhulka sidii loo hagaajin lahaa iyo sidii dadkeenu u noolan lahaa.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Prof Samatar

Prof Samatar ayaa dhawaan soo gaadhay Somaliland kadib socdaal uu ku soo maray dalal Ingiriisku ka mid yahay oo uu kaga qayb galay kulamo uu qurbejoogta Somaliland la lahaa waxaanu dhawaan sheegay in socdaalkiisa Somaliland yahay mid xaqiiqo raadin ah. waxa uu waraysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay in aanu macquul ahayn hannaanka Puntland ku socoto ee qabyaaladda ah laakiin, Somaliland xuduud caalami ah ku dacwoonayso.

Prof Samatar Oo Farriin U Diray Cabdiwali Gaas

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.