Prof Buubaa Oo Sheegay In Wasaaradda Arrimaha Dibaddu U Baahan Tahay Masuul La Jaanqaadi Kara Isbedellada Gobolka

0
434 views
“Cidla ayuu inaga helay Cabdiwali Gaas,” Prof Buubaa

Prof Buubaa Oo Sheegay In Wasaaradda Arrimaha Dibaddu U Baahan Tahay Masuul La Jaanqaadi Kara Isbedellada Gobolka

Hargeysa (Sayruuq)-Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa sheegay inay Somaliland gashay gadoon siyaasadeed, waxaanu xusay  in loo baahan-yahay inay Somaliland la jaan-qaado is badelka ka socda waddamada Geeska Afrika, isla markaana ay ka faa’iidaysato.

“Arrimaha badan ee maanta taagan Waxa lagama maar-maan ah inay Somaliland la falgasho arrimahaasi, hubsatana in aanay noqon iyada oo iska hurruda waxay ku hamba barto oo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen ay tidhaah wax qabee inay arrintaa la socoto la falgasho kana shaqayso isbedelka socda sida ay qayb uga ahaan lahayd oo ay uga qayb-qaadan lahayd iyaduna ay uga faa’iidaysan lahayd, Geeska Afrikana u faa’iidayn lahayd. Sida aynu ogsoonahay laba qaybood oo Geeska Afrika ah , baaxada ballaadhan ee dhulka Soomaalidu uu leeyahay Baabal mandabka marka lagu fidsho illaa xuduudka kiiniya dhulkaas oo aad u ballaadhan iyo dhinaca qoomiyada Oromo oo qoomiyada ugu ballaadhan ah, labada uu aadka u taabanayaa isbedelka Geeska Afrika waa labadaa qolo. Somaliland dhinaca Soomaalida ayey tahay iyada iyo Soomaaliyana waxa ka dhex-taagnaa is afgarad la’aan, sidaa awadeed arrimahaas kolka la eego inay Somaliland la falgasho Geeska Afrika iyo dhinaca Itoobiya waxan ka socda ka qayb-noqoto isbadelkaa, dhinacan Soomaalidana wada haddal macno leh oo soo afjara khilaafka Somaliland iyo Somaaliya, anniga waxay ilatahay arrimahaas ayaa maanta loo baahan-yahay inay Somaliland ay hormoodka noqoto arrimahaasi inay iska sugto oo wixii yimaada uun ay khasbiya ku noqoto inay goordhow la falgasho, waa laga wanaagsan-yahay sidaas aawadeed ayey tahay in arrimaha si wanaagsan loo wada eego, laakiin se isbedelkan culus ee ka socda Geeska Afrika oo aad u saamaynaya shaqadeeda, sidaas awadeed Dowlada Somaliland Madaxweynaha Somaliland inuu isugu yeedho Dad-yowga xeeldheerayaasha ah ee arrintan ka war haya la eego siyaasadda ugu haboon ee lagu waajihi karro arrimahan ayey ila tahay inay wax ka qaban karto arrintaas.”.. Ayuu yidhi Prof Buubaa ..

Waxaanu intaasi ku daray Prof Buubaa “ Maanta ama mucaarad hala noqdo ama muxaafid hala ahaado  amba Dowlada hala-ahaado ama Xisbiga WADDANI oo ah Xisbiga ugu ballaadhan ha ahaado gidi Somaliland oo dhan waxa maanta ay ila tahay inay lagama maarmaan tahay in Miiska la soo wada fadhiisto la wada eego arrimahani sida ay inoo saamaynayaan, khariirad aynu kaga dabaalan karno kulana falgeli karno arrimahaas in lagu soo dabaalo waddanka ayey ila tahay in wakhtigeedii la gaadhay.”

 

Geesta Kale Siyaasi  Prof Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay in sidii looga bixi lahaa xaaladan cakiran ee siyaasada arrimaha Debada ay u taal dhammaanba bushada reer Somaliland madax iyo mijo  “Wasiirku waxa uu qabtaa shaqada Guud ee arrimaha debada ee ku shuqul leh siyaasada ay Somaliland ka leedahay mandaqada iyo caalamka iyo gudaheedaba ay ka leedahay, kolka siyaasadaa si wanaagsan loo dejiyo ayaa la arki karaa wasiirku inuu shaqadii looga baah,naa arrintaa wax ka qabtay iyo in kale , lakiin iyada oo aan siyaasad-ba la dejin oo ay iska tahay uun khali guur, wasiirkuna wuu la khali guurayaa siyaasadda iska khali guuraysa ee aan la falgalahayn isbedelada iyo arrimaha hortaaggan, sidaas awadeed Wasaaradu haa waa wasaarad muhiim ah oo wakhtigan aynu iminka joogno khaasantan aad iyo aad ugu baahan cid fir-fircoon oo waxna fahansan oo Madaxweynaha iyo Dowlada Somaliland-na kusoo biirin karta qoonde arrintan lagaga dabaalan karro, kolkaas Wasiirku waxay ila tahay qudhigiisu inuu arrimahaas uu noqdo qof dareensan, laakiinse arrintu maaha wasiirka waxa weeye Siyaasadda guud ee waddanka sidii loo dejiyey. Golaha wasiirrada oo dhan ayey arrintanu hortaalaa, Madaxweynaha ayey hortaalaa, Mucaaradda ayey hortaalaa, Saxaafadda Somaliland hortaalaa, Dad weynaha Somaliland –bay hortaalaa, kolkaa arrintan oo kale waxay u baahantahay in si wanaagsan loo rog-rogto la eego dabadeedna sida ugu haboon ee lagaga dabaalan karro ay dantu ku jirto lawada yeelo , wasaaradduna waa ku khasbiyan kolkaas kolka siyaasad wanaagsan la dejiyo iyaduna inay la falgasho shaqadeedii ay si wanaagsan u qabsato.” Ayuu yidhi Prof Buubaa..

 

Waxa kale oo uu sheegay Prof Buubaa in Somaliland ay ku jirto xaalad u ugu yeedhay gadoon siyaasadeed, isagoo sidoo kalena ka hadlay muhiimadda wada hadalada Somaliland iyo Somaaliya ay leeyihiin “Gadoon siyaasadeed  in badan ba wey ku jirtay Somaliland arrinta Somaliland iyo Somaaliya ka dhaxaysa sida ay ugu dhaqaaq-day ee ah waxaan doono ayaan iska yeelayaa caalamku wuxuu aaminsan-yahay iyo isu imadkii Somaliland iyo Somaaliya 1960kii la isu yimi sida looga baxayaa inay si qaanuunka waafaqsan iyo nidaamka caalamiga ah tahay, arrintaas oo laga talaab saday oo loo qaatay in aad waxaad doonto iska yeeli karto iyada oo aanad u fiirsan mandaqada aad ku nooshay iyo caalamka aad ku nooshay arrintan aad doonayso sida uu ula falgelayo, anniga waxay ila tahay arrintu halkaas ayey taalaa in lagu noqdana ay tahay si degan oo maanta Somaliland danteedu ku jirto, Geeska Afrika dantiisu ku jirto, Somaaliya qudhideeda danteedu ku jirto ayaa loo baahan-yahay in arrintan loo agaasimo, kolkaa arrimihii Somaliland khaasatan nidaamka jira ee KULMIYE oo salka ku haya Dowladii hore ee KULMIYE iyo tii ina Cigaal, qootihi Somaliland qudhideeda la isku qabtay, Maxaynu ka yeelaynaa Somaaliya , qolana ay lahayd waxaynu doono ayeynu iska yeelaynaa weynu iska faaqsanaynaa, cidina ay lahayd waxay dantu ku jirtaa in aynu wada fadhiisano oo wada joog iyo kala tagba aynu ka wada haddalno Caalamkuna inagu dhex-joogo mandaqaduna ina ogolaato ay noqtana waxay dani ugu jirto Somaliland iyo Soomaaliya iyo Geeska Afrikaba.”

Gebagebadii Siyaasi Prof Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa waxa laga weydiiyey kullan-kii Faysal Iyo Farmaajo, waxaanu sheegay inay lagama maar-maantahay in lala haddlaa Madaxweyne Somaaliya, balse ay shaqadaasi ay leedahay Xukuumadda Somaliland,isagoo sheegay in aany wax mihiim ah u arag kullankaa Faysal Iyo Farmaajo “Arrintaas uma arko waxa muhiim ah waa lagama maarmaan in lala haddlaa Madaxweynaha Somaaliya, lakiin shaqadaas Dowlada ayaa leh, Dowladu haddii aanay shaqadeedii qaban waxay ku khasbaysaa Xisbiyad mucaaradku inay kol kol iyagu isku dayaan inay wax ka qabtaan.”

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.