Osama Bin Laden Hooyadii Oo Markii Ugu Horraysay Saxaafadda La Hadashay

0
242 views
Osama Bin Laden Hooyadii Oo Markii Ugu Horraysay Saxaafadda La Hadashay

Osama Bin Laden Hooyadii Oo Markii Ugu Horraysay Saxaafadda La Hadashay, Maxay Ka Tidhi Halgankii Wiilkeeda?..Akhri Warbixin Xiiso Leh!
London (Sayruuq)- Inkasta oo aan lagu aqoon in ay la hadasho Warbaahinta kana hadasho meelaha fagaaraha ah haddana Hooyada dhashay Hogaamiyihii Alqaacida Cusaama Bin Laden oo lagu magacaabo Caaliya Qaanim waxa ay markii ugu horraysay la hadlaysaa warbaahinta Ingiriiska iyada oo ka hadashay xaaladda wiilkeedii aasaasay shabakadda Alqaacida.

Bin laden hooyadii ayaa waxay sheegtay in wiilkeedu uu ahaa mid wanaagsan balse la duufsaday markii uu waxbarshada ku jiray islamarkana xag-jir laga dhigay. Sida ay u sheegtay Wargeyska caanka ah ee The Guardian oo waraysi layaab leh ka qaaday Hooyo Caaliya Qaanim oo ah hooyada dhashay Sheekh Cusaama Bin Laadin oo ahaa aasaasihii shabakadda Alqaacida oo la rumaysan yahay in ay ahayd aabaha xarakadaadka jihaadiga ah ee wakhtigan.

Wareysigii ugu horreeyay oo ay siisay wargayska The Guardian, ayay Caaliya Qaanim waxa ay sheegtay in uu wiilkeedu isbadalay markii uu ku biiray jaamacad ku taalla dalka Sacuudiga wakhti hore halkaasi oo uu wax ku bartay isaga oo ka soo jeeday qoys maalqabeenno ah oo aad u ladnaa.

Hooyo Caaliya Qaanim Waxa ay intaa ku dartay in ay uga digi jirtay wilkeeda Cusaama Bin Laadin in uu ku biiro kooxahan balse uu ka dhago adaygay oo uu ugu dambayn ku biiray.
Wakaaladda Sirdoonka Maraykanka Oo Baahisay Dokumantiyo La Xidhiidha Dilkii Osama Binu Ladin
Nuxurka Farriintii U Horaysay ee Wiil Osama Binu Laden Dhalay Soo Diro

Bin Laden ayay dawladaha reer Galbeedka iyo warbahintoodu aaminsan yihiin in uu isagu amray weerarkii 9/11, ee sannadkii 2001 lagu qaaday daarihii dhaadheeraa ee dalka Mareykanka iyo Wasaarada Gaashaan dhigga Maraykanka ee Pentagon iyo waliba howlgalo meelo kale oo caalamka ka dhacay mudadii uu hogaanka u ahaa Shabakadda Caalamiga ah ee Al-qaacida.

Balse hooyada dhashay Sheekh Cusaama Bin Laden ayaa sheegtay in aanu waligii u sheegin hooyadii waxyaabaha uu samaynayo sababtoo ah aad ayuu u jeclaa hooyadii sida ay sheegtay.

Waa Markii ugu horraysay ee ay Hooyo Caaliya war-fidiyeenka caalamka la hadasho tan iyo markii uu soo baxay magaca wiilkeedu illaa uu noqday nin adduunka oo dhan qabsaday illaa ugu dambayn lagu dilay hawlgal ka dhacay waddanka Pakistan oo ay Maraykanku ku khaarajiyeen.

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland
sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.