Oromo Lagu laayay Magaalada Boosaaso

0
301 views
Oromo Lagu laayay Magaalada Boosaaso

Oromo Lagu laayay Magaalada Boosaaso
Boosaaso(Sayruuq)-Koox hubeysan ayaa xalay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari waxa ay ku dileen Saddex qof oo u dhashay Qowmiyadda Oromada, halka ay dhaawaceen Laba kale.

Dadka la dilay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxaa la sheegay inay socoto ku ahaayeen magaalada Boosaaso oo ay ahaayeen tahriibayaal.

Laamaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen inay baxsadeen dadkii dilkaasi geystay, islamarkaana aysan jirin cid heybtooda garaneysa balse waxaa goobta uu weerarka ka dhacay ciidamada ammaanka ee gobolka Bari.

Labada qof ee dhaawaca uu soo gaaray rasaastana dableyda ku rideen ayaa waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa isbitaalka magaalada Boosaaso.

Dhalinyaro u badan rag iyo dumar u dhashay dalka Itoobiya ayaa waxa ay ku nool yihiin magaalada Boosaaso ee Puntland, kuwaasi oo ku nool duruufo aad u adag.

Sayruuqnews
Boosaaso/Somalia
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.