ONLF Iyo Xadhigeygii : Suxufi Maxamed Boosh

0
1,011 views
ONLF Iyo Xadhigeygii : Suxufi Maxamed Boosh

ONLF Iyo Xadhigeygii : Suxufi Maxamed Boosh

Habeen Isniin ah February 19, 2012 , ayuu nin aan garanayaa Telefoonka gacanta iga soo wacay iina sheegay in ciidan ka tirsan jabhada ONLF lagu arkay xeebaha Galbeed ee Somaliland, kuwaas oo doonayey in ay u gudbaan dhanka Itoobiya iyaga oo sii maraya buuraleyda Maarmaar.

Waxa aan la hadley weriyayaal kala jooga Boorama iyo Saylac si aan warkaasi uga xaqiijiyo, waxa ay sheegeen in ay maqleen warkaasi, balse aanay hubin oo ay igu soo warcelin doonaan.

Saacad ka dib, waxa ila soo hadley nin weriye ah oo aanu saaxiib nahay, waxa uu yidhi “ warkaasi wuu jiraa, waxa aan kula xidhiidhsiinayaa gabadh ka mida dadka deegaanka oo aan xigtay”.

Gabadha oo codsatay in aan magaceeda aan la sheegin , ayaa ii sheegtay in aragtay galabta dhawr nin oo ka yimi dhanka xeebta una socda buuraleyda Maarmaar, una muuqaal eeg rag ka tirsan jabhada ONLF oo hore u marey deegaankooda.

Waxa aan isku dayey in aan xidhiidh la sameeyo taliska ciidamada Badda Somaliland iyo maamulka gobolka Salal balse igamay qaban Telefoonka .
Warbixintii, ayaan ku daabacay shabakada wararka ee Ramaasnews oo aan ka shaqaynayey wakhtigaasi, aniga oo xiganaya weriyayaashii, gabadhii deegaanka iyo xidhiidhkii maamulka dawlada ee aan suuragelin, weliba waxa aan ku lifaaqay in dagaalyahano tiradoodu ka badantay 200 ay deegaankaasi ka gudbeen dabayaaqadii sanadkii 2010kii sida uu xaqiijiyey wasiirkii arrimaha gudaha Dr Maxamed Cabdi Gaboose.

Warkii waxa xigtay wargeyska Ogaal ee ka soo baxa Magaalada Hargeyesa oo subixii boggiisa hore ku soo qoray, ka dibna waxa si weyn uga cadhoodey taliyihii ciidanka Badda Admiral Maxamed Aw Cismaan iyo wasiirkii arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur). Hay’adda amaanka iyo taliska ciidanka Badda ayaa isugu yimid kulan subaxnimadii February 20, 2012, waxa shir guddoominayay wasiir Duur waxaana go’aan lagu gaadhay:
1. In Taliyaha ciidamadu Baddu beeniyo warkaaasi,
2. In xabsiga la dhigo weriyayaashii daabacay warkaasi .

Admiral Maxamed Aw Cismaan waa uu beeniyey warkii, waxaanu sheegay in lagu dabo jiro ragii faafiyey oo sharciga la hor keeni doono. Wax yar ka dib Xasan Cumar Xasan oo ka mid ahaa madaxda wargeyska Ogaal ayaa lala hadlay, markii uu soo gaadhay xafiiska wasiirkana waa la xidhay, waxaana sugayay xubno ka tirsan C.I.D-da .
Magaalada Boorama waxa lagu xidhey wariye Maxamed Ismaaciil oo la aaminsanaa in uu yahay isha warka laga helay, waxaana si xun u garaacay ciidamada booliska markii ay qabanayeen.

Aniga oo 9:45 daqiiqo ku sugan Beerta xoriyada ee magaalada Hargeysa ooay munaasabadi ka jirtay , ayaa waxaan Telefoon ka helay Maxamed Cismaan Dube oo ahaa madaxa xafiiska xisaabaadka iyo maaliyada ee wasaarada arrimaha gudaha, waxa uu ii sheegay in layga doonayo xafiiska wasiirka, anna waxa aan wargeliyey aan ka codsaday in uu i raaco Cali Jaamac Maxamed (Cali Jamhuuriya ) oo ka tirsanaa hogaanka ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA .

Xafiska wasiirka ayaanu soo galay, waxa miis dheer heeraha ka fadhiyey , Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ahaa madaxa hawgelinta ee booliska, Daahir Muuse Abraar taliyaha C.I.D-da iyo xubno kale, dhanka Waqooyi waxa kursi weyn ku fadhiya wasiir Duur oo wejigiisa cadho ka muuqato. Waxa uu ii weydiiyey in aan warkan qorey, anna haa baan ku jawaabay. Cadaynbaa la iga rabo, anna waan keenayaa cadayntee waa inoo sharciga maxkamada ayaan ku idhi. Intuu qayliyey ayuu yidhi “waad xidhan tahay saacadaa laga bilaabo, waar qabta ninka”, isla markiiba waxa gacanta igu dhagay taliyaha C.I.D-da, waxaana lay qaaday xarunta C.I.D-da.

Meeshiibaa lay geeyey, magacaa layga qoray, Telefoonkiina waa layga qaaday, waxa meesha soo istaagay taliye ku xigeenkii C.I.D-da Cabdi Xasan (Cabdi Dheere ). Inta uu i aflagaadeeyay ayuu daanka iga dhuftay Raadyahw uu gacanta ku sitay, markaasi ka dib waan miyir beelay, inta garbaha la i qabtay, ayaa la ii geeyey qol cidhiidhi ah oo ay ku jiraan dhawr iyo toban qof oo maxaabiis ahi. Maalintaas oo dhan waxa aan jiifey halkii aan ku dhacay waxna ma cunin muddo laba maalmood ah.

Maalintii labaad waxa ii yeedhay Cabdi Kiin oo ahaa madaxa baadhitaanada ka hor intii aanu i weydiin dacwadeyda , waxa aan u sheegay jidh dilka la ii geystay, laakiin iima diwaangelin. “Maxaad ONLF iyo cadawga aad wax uga qoreysaa, ma waxa aad u shaqaysaa Sheekh Shariif ?” ayuu si kulul iigu yidhi. Sheekh Shariif wakhtigaasi waxa uu ahaa Madaxweynaha Dawladii KMG ahayd ee Soomaaliya.

“Waxaan xaq u leeyahay inaan wax ka qoro cid kasta warkeeda marka uu sugnaado, waana khalad in aad su’aalo i weydiiso iyada oo aanay maxkamad ii jarin warqad qabasho ah” ayaan ugu jawaabay.

Intii aanu ku jirnay xarunta C.I.D-da si weyn, ayaa la noo ilaalin jirey, waxa na noo diidey in aanu la kulano ehelayada iyo asxaabta na soo booqaneysay, iyada oo loo sheegay in aanu gelnay dambi culus oo ka dhan ah Somaliland!!

February 21, ayaa lana geeyey maxkamada anaga oo gacmaha ka xidhan, ka dibna waxa na loo jaray toddoba maalmood oo dacwad sugis ah. Waxaa nala geeyey xabsiga dhexe ee Hargeysa, waxaa na soo gaadhay warar sheegaya in naloo gacan gelin doono dawlada Itoobiya. Qorshaha xukuumadu waxa uu ahaa in la nagu xukumo 5 illaa 15 sanno oo xabsi, madaaama ay ku doodayeen in dacwadayada Somaliland dhibane ka ahayd, laakiin xisaabta kumay darsan cadeymaha aanu warka u haynay.

Waxa bilaabmay caambaareynta xadhigayaga ee ururada saxaafada iyo hay’addaha xuquuqda aadamaha ee caalamiga ah iyo dad maxali ah. Ugu dambayntiina February 26 ayaa xabsiga nalaga soo daayay.

Markii aanu xabsiga ka soo baxay waxaan tagay cisbitaal, baadhitaan la igu sameeya waxa la ii sheegay in aan u baahanay cisbibaal dibed ah, maadaama oo lafta daanka dilaac gaadhey, waxaa isagana cisbitaalka guud ee Hargeysa la keenay Maxamed Ismaaciil oo aad u liita, dadaal dheer ka dib Maxamed waxaanu u dirnay cisbitaal ku yaalla wadanka Djibouti. Aniguna bil ka dib waxaan tagey cisbitaalo ku yaalla magaalooyinka Nairobi iyo Kampala , waxaan ku soo qaatay daaweyn.
Markii aan Hargeysa ku soo laabtey, waxa layga digay in aanan mar dambe qorin war ku saabsan ONLF.

Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) , waxa lagu casuumay magaalada Hargeysa, madax ka tirsan xukuumada Somaliland , ayaa sawiro kula geshay Nairobi,laakiin sannad ka hor ma jirin masuul ku sugan Somaliland oo ka hadli karayey go’aankii xukuumada Federal-ka Soomaaliya ugu gacangelisaay Itoobiya . Madax ka tirsan ONLF iyo dad lagu tuhmey in ay xidhiidh la leeyihiin jabhada , ayaa Itoobiya loo dhiibey .
ONLF 2018 DAMBI MAAHA !
Waxa qoray Wariye Maxamed Boosh

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.