Nuxurka Qoraal Uu Soo Saaray Madaxweyne Biixi

0
774 views
Haweenka Oo Ka Dareen Celiyay Magacaabista Madaxweyne Biixi
Madaxweynaha Somaliland

Nuxurka Qoraal Uu Soo Saaray Madaxweyne Biixi

Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa qormo ku daabacay warbaahinta The National ee Imaaraadka. Dhambaalkan luuqadda Ingiriisida ku qoran waxa uu tafaasiil kaga bixiyay mashruuca shirkadda DP World ee dekedda Berbera oo uu ku sheegay mid Somaliland iyo Geeska Afrika barwaaqo u horseedaya. Waxa kale oo uu walaac kaga muujiyay sababta Somalia colaad macno darro ah ugu hayso Somaliland ilaa 1991 isaga oo su’aalo waydiiyay beesha caalamka ee caawisa Soomaaliya.

“Maalgashigani wuxuu Somaliland ka dhigaya xarunta ganacsiga gobolka ee dhanka badda. Waxa uu abuuri doona terminal Container-rada ah oo muggiisu yahay sanadkii 1.25 milyan(1.25 million TEUs a year) marka la dhammaystiro. Arrintaasi waa mid cad oo lagu kalsoon yahay in ay Somaliland daganaansho bulsho iyo siyaasadeed u horseedayso,” Sidaas ayuu ku sheegay Madaxweyne Biixi dhambaalkiisa.

Madaxweyne Biixi waxa uu intaasi raaciyay in dawladda Itoobiya March 2018 ku soo biirtay maalgashiga dekedda Berbera taasna dekedda ka dhigtay maalgashi wadareed. Waxa uu sheegay in Berbera ku taallo meel ku haboon in ay noqoto marinka laga galo dalalka bariga Afrika ee aan badda lahayn. Waxa uu sheegay in horumarinta dekedda Berbera gobolka u horseedayso barwaaqo dhaqaale, horumar bulsho iyo degenaansho siyaasadeed, gaar ahaana Somaliland oo dhalinyarada 30 jir ka yar shaqa la’aantoodu marayso 70%.

Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in mashruuca horumaradaas leh Somalia ka hor timid, islamarkaana baarlamaankeedu Isniintii hore mamnuucay DP World wallow aanay saamayn sinaba ugu yeelanayn mashruucan laakiin, ay muujinayso colaadda macno darrada ah ee Somalia u hayso Somaliland taas oo soo jirtay ilaa markii Somaliland ka noqotay midawgii 18, May 2018 ee madax bannaanida iyo qarannimada dib u hanatay.

Madaxweyne Biixi ayaa bulshada caalamka waydiiyay sababta Somalia oo Malaayiin dollar oo lacag caawimo ah la siinayay 30-kii sanno ee u dambeeyay walina ah dal fashilmay u curyaaminayso mashruuca dekedda Berbera oo barwaaqo u horseedaya gobolka Geeska Afrika.

“Maamulkaygu wuxuu diyaarinayay sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalladii Somalia si looga wada hadlo arrimaha la wadaago loogana wada xaajoodo sidii loo kala tagi lahaa. Wada hadalladaasi waxay qorshaysnaayeen in ay bilawdaan dabayaaqada bishan laakiin, waxay nagu kalliftay in aanu dib uga fiirsano arrintaas markii Soomaaliya dhawaaq colaad leh ka soo yeedhay,” Sidaas ayuu sheegay Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi wuxuu cambaareeyay dadaallo kasta oo Soomaaliya ku doonayso in ay carqaladayso horumarka Somaliland siiba mashaariicda iyo heshiisyada Somaliland gelayso waxaanu sheegay in hiigsiga gobolka ee Somaliland yahay sidii uu u noqon lahaa mid barwaaqooba oo nabad ku naalooda.

Sayruuqnews

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.