Nuxurka Maqaal Uu Qoray Ra’isal Wasaare Khayre

Waxa uu sheegay in Soomaaliya dib u heshay doorka ay ku lahayd Geeska Africa dhawaanna hoggaamin doonto Wasiirrada Arrimaha dibadda Carbeed

0
232 views
Nuxurka Maqaal Uu Qoray Ra'isal Wasaare Khayre

Nuxurka Maqaal Uu Qoray Ra’isal Wasaare Khayre
Muqdisho(Waaberi) Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Qormo uu ku daabacay wargeyska The Daily Nation waxa uu kaga hadlay doorka Soomaaliya ka ciyaarayso isbedellada Ka Socda Geeska Africa.
Waxa uu sheegay in dalkiisu cafis u fidiyay dagaal yahannada Alshabaab ee doonaya in ay ku soo biiraan xukumadda si ay u wada dhistaan Qaranka, islamarkaana intii isaga iyo Madaxweyne Farmaajo fadhiyeen xafiiska horumar ka sameeyeen dhanka ammaanka, dhaqaalaha iyo diblamaasiyadda.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya door ka ciyaarayso arrimaha ka socda Geeska Afrika “Xukumaddayada oo adeegsanaysa wasiirka arrimaha dibadda Axmed Ciise Cawad waxay hormuud ka tahay wada hadallada lagu dhammaynayo khilaafka xuduudka ee u dhexeeya Ereteriya iyo Jabuuti,” Sidaas ayuu yidhi maqaalka ku sheegay ra’isal wasaare Khayre, waxaanu intaasi ku daray in wasiirrada arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo Ereteriya Cismaan Saalax ay ka marag kaceen dadaalka Soomaaliya ku lahayd isu soo dhawaynta Asmara iyo Jabuuti.

Waxa uu intaasi raaciyay in xukumaddiisu isku dayayso in ay la jaanqaado dabaysha isbedelka ee ka socota Geeska Afrika si ay horumar uga gaadho danaheeda dhanka ammaanka, kaallina uga gaysato sidii Africa u xallisan lahayd dhibaatadeeda. Waxa uu sheegay in ay Asmara ka muujiyeen in diblamaasiyaddoodu tahay dal nabdoon oo ku yaalla gobol xasilloon.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya sanadka dambe qabanayso guddoomiyaha golaha wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta taasna ay u saamaxayso in ay kulanka wasiirrada ku qabtaan Muqdisho 2019. Waxa uu sheegay in ay fursad u tahay Soomaaliya ay beesha caalamka ku tusto in ay diyaar u tahay maalgashi iyo la macaamilka caalamka.
Ugu dambeyn wuxuu xukumaddiisa ku ammaanay in ay wanaajisay la macaamilka beesha caalamka, islamarkaana ay hagaajisay nidaamka dhaqaalaha. Wuxuu sheegay in rubucii u horeeyay ee sanadka ay ururiyeen lacagtii u badnad oo cashuur ah sidoo kalena hay’adda lacagta adduunka ay xidhiidh fiican la leeyihiin arrimahaasna u sahlayaan in Soomaaliya laga dhaafo daynta.

Source: Waaberi Newspaper

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.