“Nus Malyan Doollar Oo Aan Meelna Soo Marin Waa ku tumasho sharci iyo maamul oo wayn! Prof Cabdi Cali Jaamac

0
570 views
Haddaynu Rabno In Aynu Hore U Socon, Aynu dumino Darbiyada Establisment-ka?
Prof Cabdi Cali Jaamac

“Nus Malyan Doollar Oo Aan Meelna Soo Marin Waa ku tumasho sharci iyo maamul oo wayn! Prof Cabdi Cali Jaamac
Bal guji clipkan, wuxu ku leeyahay wasiirku lacag dhan nus malyun dollar oo aan miisaniyadda ku jirin, hay’adani ku deeqin, ayuu madaxweynuhu siiyay gobolka ka mid ah gobolada; tani waa danbi wayn oo qiraal ah ee haddaba ma ogaanbaa sharciga loo jabinayaa mise waa aqoon la’aan.

Tan oo kale casharkii dawladnimada iyo maamul wanaagga ee aan ka bixin jiray dhacdo kasta oo ina soo marta, waxan ka idhi intan soo socota: Miyaanay ogeyn m/weynaha iyo wasiiradiisu in kharashka kaliya ee sharciga ah ee ay gali karaan uu yahay kan golaha wakiiladu ugu anisxiyeen miisaaniyadda; taas macnaheedu wuxu yahay kharash kasta oo aan ku jirin miisaaniyadda waa qayru sharci (unlawful expenditure), waana danbi wayn haddii la bixiyo; masaladu waa mas’alo sharci, ma aha masalo maaliyaddeed oo kaliya.

haddii ogaan sidaa loo sameeyo kaba sii daran; haddii aqoon darro ay tahayna, waar meesha dadka haku lugoynina, ee shaqo taga oo banneeya kuraasida; aaway midhkii iyo labadii idinka midka ahaa ee lahaa aqoon baanu leenahay; kuwaasina haddii aydin dhaamaan tan oo kale ayay idiin sheegi lahaayeen; use malayn maayo in ay wax idin dhaamaan, maxaa yeelay lamay galeen heshiiskii madmadwga miidhan ahaa shirkadda DP world!!!! haddii ay wax kala garanayaan.

Cabdo; u dhaqhdaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.