“Ninka Xukumay Naciima Waa Xubin Kulmiye Ah,” Afgaab

0
632 views
“Ninka Xukumay Naciima Waa Xubin Kulmiye Ah,” Afgaab

“Ninka Xukumay Naciima Waa Xubin Kulmiye Ah,” Afgaab

Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhalliilay xukunka lagu riday Naciima Abwaan Qorane iyo Maxamed kayse Bigeeye oo ah saddex sanno iyo sanad iyo lix bilood sida ay isugu xigaan. Xisbiga ayaa si gaar ah u eedeeyay garsooraha xukunka Naciima ku riday oo ay sheegeen in uu ka tirsan yahay xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Waddani Cismaan Afgaab Nuur oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa ku baaqay in la sii daayo dhalinyarada la xukumay. Waxa uu sheegay in dastuurku damaanad qaaday xorriyadaha iyo xuquuqaha muwaadiniinta “Waxa muuqata in laga tallaabsaday sharciga lana burburiyay Somaliland-na hadda sharci la’aan ay ku socoto oo qofka wixii la doono lagu xukumayo wixii la doonana lagu qaadayo intii la doonana la iska xukumayo,” Sidaas ayuu yidhi Mr Afgaab.

Guddoomiyaha golaha dhexe ee Waddani waxa uu duray dhexdhexaadnimada garsooraha xukumay Naciima Abwaan Qorane “Imika inanta ninka xukumay waxay ahayd in gabigiisaba garsoorka laga eryo maxaa yeelay maaha qof garsoore noqon kara, waa xubin ka tirsan xisbiga Kulmiye, sidaa darteed in garsoorka la dhex dhigo ayaaba ceeb ah,” Sidaas ayuu yidhi Mr Afgaab.

Guddoomiye Afgaab waxa kale oo uu ka hadlay xukunka Maxamed Bigeeye oo lagu helay aflagaado ah in uu madaxweynaha ku sheegay mid maxalli ah(Local) waxaanu sheegay in Kulmiye ku ololeeyay in aanu dalka ka bixin Mudane Biixi, haddana aanu caalamka madaxweyne u ahayn ee uu Somaliland u yahay “Saw Kuwii iyaguba(Kulmiye) markay ololaynayeen lahaa madaxweynahayagu Passport ma sito oo meelaha(Dibadaha) ma maro, iyaga yidhi waa LOCAL,” Afgaab guddoomiyaha golaha dhexe ee Waddani.

Bulshada ayaa markii uu soo baxay xukunka Naciima waxay baraha bulshada ku faafiyeen sawirka garsooraha xukunka riday oo ka dhex muuqda ololihii Kulmiye. Xilligaasi ayuu dhalleecayn la kulmay waxaanu guddoomiyaha maxkamadda sare soo saaray digreeto uu si adag bahda garsoorka ugaga mamnuucayo ku milmidda ololihii siyaasadda ee socday.

Sidoo kale bulshada ayaa erayga Local ee lagu helay Maxamed Kayse Bigeeye si maadays ah baraha bulshada ugu faafiyay iyaga oo is waydiinaya macnaha eraygan laakiin, faahfaahin lagama bixin macnaha xeer ilaalintu u adeegsatay eraygan iyo waxa maxkamadda lafteedu ku macnaysay.

Xukunka Naciima Qorane Oo La Dhalliilay

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.