Ninka La leeyahay Dalkii Oo Dhanbuu Dilaalay Ee Baashe Cawil Maxaa ku soo celiyey dhulkan Agoontii Mujaahidiinta uu Ku Haysto Ee BeerHooyo Khadra.

0
88 views
Burco(Sayruuq)-Hooyo Khadra Cabdi Maxamed(Khadra Cabdi Badhaf),oo kamid ah hooyooyinka ka hadhey Mujaahidiintii halgankii Snm kasoo qeyb qaatey ayaa, siweyn uga deyrisey awoodaha uu u isticmaaley Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta Baashe Cawil Xaaji Cumar oo doonaya in uu xoog kaga qaado dhulkoodii ay lahaayeen oo ay Sharcigii iyo Mulkiyaddiisii ba u Haystaan Agoontii Marxuum Mujaahid Saxardiid Axmed Cawed ee Tuulada Beer oo Burco ujirta 30-km dhinaca bari.
Hooyo Khadra Cabdi Maxamed (Khadra Cabdi Badhaf),oo Shabakada Wararka hadhwanaagnews uga warantey mushkilada uu ku hayo Baashe Cawil Xaaji Cumar oo u adeegsadey awooda Xukuumada islamarkaana, dacwad ku wadey mudo dheer taas,oo hada xadhkaha sii goosatey mudada dabayaaqada
Xukuumadan oo uu ula soo baxey awoodo dheeraad ah maadama oo ay waagii beryaba dhulka uu ku haysto dacwadiisa ay u tagaan Maxkamada Burco isagoo usoo wakiishay dacwadaasi Xildhibaan katirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco oo magaciisa la yidhaa Xildhibaan Cali Barre iyo adeerkii aabihii la dhashey oo magaciisu yahey Ibraahin Xaaji Cumar, waxaanay xustey hooyadani,in aaney wakhtigan xaadirka ah jirin cid habayaraatee uga garowda dulmiga iyo dhibta uu ku hayo ninkaasi awooda Madaxweynaha u isticmaalay islamarkaana, ay xurmo la,aan ka joogaan halgankii iyo tacabkii ay usoo galeen dalkan oo qiimayn la,aantiisu banaanka timid xiliga Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.
“Subaxdii alle keenaba waxaanu taaganahay Maxakmada inta dhib iyo rafaad naga soo gaadheyna, illaahay ayuunbaa og iyo umadiisaba hadana majirto cid kaaga garaabeysa waxaa dhulkayagaa aanu sharciyadii iyo mulkiyadihii iyo cadeymihii aanu haysano nagu haysta Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa sheegtay in Maxamed Muuse Diiriye oo ah Guddoomiyaha Gobalka Togdheer uu u qoray fulin rasmi ah dabeeto ay ku beegantay wakhti la beddelay, mar labaadkiina Maxamed ibraahin Aadan (Qabo) uu qoraal iyo amar ba ku bixiyey in la loo fuliyo agoontaa dhulkooda, waxaana nagu kallifay Maxkamadaha ka dib markii uu Guddoomiye (Qabo) noo sheegay in masuul sare oo ka tirsan xukuumaddu uu la soo hadlay oo lagu yidhi fulintaas jooji, ninkaa la leeyahay dalkii ayuu dilaalay Bani-aadamka wax deeqaa majiraan awood ayuu adeegsanayaa ilaa maantana ma hayaan cadeyn iyo markhaati, halka Baashe maanta awooda Dawllada uu Siilaanyo hogaamiyo noo adeegsanayo anaku aanu ku xurmo la’nahey Sharcigayagii, Mulkiyaddayadii, Markhaatiyaashayadii iyo halgankii uu alle ha u naxariistii jano ha siiyee uu dalkan iyo dadkan usoo galey Mujaahid Saxardiid Axmed Cawed oo ka mid ahaa saraakiishii ugu sarsarraysay SNM oo uu uga yimid Dalka Mareykanka markii Dunidu wanaagsaneyd” Ayay tidhi hooyo Khadra Cabdi Badhaf.
Waxa kale oo ay intaa ku dartey iyadoo hadalkeeda sii wada ”Dacwadan waxa uu usoo wakiishey ninkaa Baashe Xildhibaan katirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco Xildhibaan Cali Barre iyo Adeerkii Ibraahim Xaaji Cumar awoodaas uu adeegsanayo mooyaane wax kale oo ay hayaan majirto nin illaahiisa wakiishay nasiibkiisa ma waayo hadii aaney jirin cid naga qabata illaahay kamaanu quusan ee isagaanu u cuskaney anaku”Ayey tidhi.
Gabagabadiina waxey ugu baaqdey Madaxweyne Siilaanyo in uu ka qabto ninkaasi awoodihiisii ku boobaya agoonta,hadii aanu qabaneynina ay hay,adaha sharciga ayaannu ka rajaynaynnaa in ay si cadaalad ah uga garnaqaan dacwadaasi.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.