NINBA TAAGTII, NINA TACABKII, NINA TAMARTII TOGAY KAA

0
40

Waxaa kasoo wareegay qiyaastii 15 sanno xiligaan ufadhiisanay imtixaanka shahaadigaa ee dugsiga sare. ..
Isla subaxaas waxaan soo gaadhay goobtii imtixaanka lagu qaadayay anoo akhrisanaya aayad kursi da iyo maacuudataynka, waxaan sitay saddex qalin oo mid pensil yahay ,midna yahay qalinka afar nooclaha loo yaqaan, waxaan laygu war galiyay in examka ilaaladiisa ay ka qayb qaadanayaan askar kamida ciidanak qaranka oo dhaarsan, waxaa laygu baadhay gate ama ganjeelka hore ee machadka jamaal cabdi naasir oo ahayd goobtii imtixaanka loo asteeyay, mobile maan lahayn, Facebook majirin, iyo what’s up toona,
Waxaa dibada taagnaa macalinkaygii geography ga macalin sayid oo loo diiday inu galo goobta ,
Ardaygii uhoreeyay aan gudaha kula kulmo wuxuu ahaa sxbkay axmed janaale oo aanu aad isugu dhaweyn. .waxaan ka muuqatay wajigiisa farxad iyo naxdin wada socda. .ma ilaawo jawiga maalintaas.
Abaaro 8 :15 AM, Waxaa goobta soo gaadhay maamulkii wasaarada waxbarashada oo ay wehelinayaan muraaqibiintii imtixaanka siday, waxaanu galnay 3 saf , muraaqibiintani maaha dad aanu hore unaqaanay,amase u maqalnay, waxaa laga soo bedelay gobolka saaxil, waxaana naloogu khudbeeyay sidan : maanta waxay burco utahay maalin taariikhiya, dibu dhac gobolkan ku yimid kadib maanta waxaad hal mar la fadhiisanaysaan dhamaan ardayda reer s/land markii uhoreeysay ,Qishku waa ceeb, qofkastaana wuxuu zoo akhristay uun buu leeyahay, waxaa naloogu maahmaahay labadatan oraah ee caankaa :
1..ninba taagtii, ninba tacabkii ninba tamartii togay kaa maal iyo
2..barbarkay ka baxdaa Wakaylo qaleen .
Lkn xog Uma fahmin macnaha maahmaahdaas danbe.
Waxaanu u dareernay class yada mar labaad waxaan nalagu baadhay albaabka fasalka, waxaa albaabka lagaga reebay book yaroo kuwa notebook loo yaqaan wiil asxaabta ka mida, waan xasuustaa magaciisa.
Waxaan fasal kuwada galnay imtixaanka arday ay kamid yihiin. .#axmed janaale, #axmed baradho ,#mohamed aadan , #cabdi kareem gaas, iyo #bashiir diiriye.

Waa xasuus yaroo kamid nolasheena. ..

Isla maantoo kale 1 da luulyo waxaan qaatay shaahadaydii heerka koobaad ee jaamacada oo aan ku diyaariyay culuumta daaweynta iyo Qaliinka waxaanan noqday Dr ahmed. .

maantoo kalane waa maalin kaloo xusuus ku leh naftayda waxaanu kala beydhnay asxaab badanoo aanu waayo imtixaan soo wada galnay, waaxaanu se wali naxdinta imtixaanak iyo farxada natiijada rafiiq kusii wada ahyn #cabdi Kareem gaas iyo #bashiir diiriye oo Hal class imtixaanka heer jaamacadeed kuwada qaadanay.

Hadase waxaan imtixaanada wada rafiiqnaa asxaabta kale, ciidan iyo muraaqib midna nama ilaaliyo xitaa macalin. Waa ninba taagtii iyo ninba tamartii.

Waxaan uducaynayaa dhamaan ardayda maanta ufadhiisanaysa imtixaanadka shaadigaa e dugsiga sare iyo hoose ee S/land ..gaar ahaan hablaahan abtiga u ahay Rahma iyo Raaqiya waxaana leeyahay. .

NINBA TAAGTII NINBA TAMARTII NANA TACABKII TOGAY KAA MAAL

Dr Axmed Siciid

https://www.facebook.com/ahmed.saedali.1?hc_ref=NEWSFEED

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here