Nin Muddo U Xidhan Eedo Cajiib ah

0
482 views

Maxamed Kayse Maxamuud oo la xidhay horraantii bishii hore ayaa hadda la soo bandhigay eedaha loo haysto kuwaas oo ah aflagaado madaxweyne iyo in uu ka hor yimid dagaal Tukaraq ku dhexmaray ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland.

Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac guddoomiyaha hay’adda xuquuqal Iisaanka ee HRC oo akhriyay eedaha ayaa ku tilmaamay kuwo la yaab leh, islamarkaana raqiis ah. eedda loo arko aflagaado qaran ayaa lagu sheegay in ay tahay in ninkaasi yidhi “Madaxweynuhu waa Local” oo aan la fahansanayn macnaha loo fahmay.

Waxa kale oo uu sheegay in ninkan lagu soo eedeeyay waxyaabo uu Facebook ku soo qorqoray oo ku saabsan in aanu la dhacsanayn dagaalkii Tukaraq.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here