Nin Kalmad Uu Madaxweyne Biixi Ku Yidhi Lagu Haysto

0
648 views
Nin Kalmad Uu Madaxweyne Biixi Ku Yidhi Lagu Haysto

Nin Kalmad Uu Madaxweyne Biixi Ku Yidhi Lagu Haysto

Maxamed Kayse Maxamuud ayaa tan iyo horraantii bishii February u xidhan eray uu ku sifeeyay madaxweynenimada Muuse Biixi Cabdi. Muwaadinka xidhan ayaa eedda rasmiga ah ee loo haysto lagu sheegay in uu yidhi ‘Madaxweynuhu waa madaxweyne maxalli ah’.

“Maxamed Kayse Maxamuud oo la xidhay 8dii February 2018 waxa lagu eedeeyey inuu yidhi madaxwaynuhu “waa madaxwayne local ah.” Hadalkaas oo aflagaado ku ah madaxwaynaha, ayaa lagu yidhi eedii lagu soo oogay Maxamed. Bal ka warama arinkaas. Hada waa eedii rasmiga ahayd ee lagu soo oogay Maxamed,” Sidaas ayuu boggiisa Facebook ku soo qoray garyaqaan Guuleed Dafac oo madax ka ah hay’adda xuquuqal Iisaanka ee HRC.

Arrintan ayaa dad badan oo baraha bulshada kaga falceliyay u arkaan mid cajiib ah laakiin, lama oga sida ay maxkamaddu uga gar naqi doonto dacwada loo soo gudbiyay ee loo haysto ninkan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here