Nin Itoobiyaan ah oo lagu dilay magaalada Hargeysa

0
522 views
Booliska Oo Raadinaya Suxufiyiin Barmaamij Baahiyay

Nin Itoobiyaan ah oo lagu dilay magaalada Hargeysa

Hargeysa (Sayruuq) –Wararka laga helayo magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in tahriibe ka soo jeeda dalka Itoobiya ay toogasho ku dileen ciidamada Booliska Somaliland kadib markii uu isku dayey inuu ciidamada ka baxsado.

Taliyaha Laanta socdaalka Gabiley ee qaabilsan Xuduudka Togwajaale Cabdirashiid Axmed Xasan ayaa sheegay in tahriibaha Itoobiyaanka ah oo kasoo jeeday Qawmiyada Oromada ee dalka Itoobiya uu ku Geeriyooday Togwajaale, kaddib markii uu ay haleeshay rasaas lagu riday xilli uu isku dayay inuu ciidanka Booliska ka baxsado.

Cabdirashiid Axmed Xasan Taliyaha Laanta Socdaalka Gobolka Gabiley,oo Warbaahinta  Somaliand la hadlay ayaa sheegay in  Geerida Ninka Tahriibaha ah timid kaddib markii uu isku dayay in uu Booliska ka baxsado.

Booliska ayaa ka war helay goob ay ku suganyihiin Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku sugan Tog-Wajaale,waxaana markii ay tahriibarayaasha ka war heleen in Boolis ku soo socdo isku dayeen in ay ka baxsadaan halkii ay ku sugnaayeen sidaasna rasaas loogu furay uu ku dhintay Nin u dhashay Oromada Itoobiya.

Xigasho:Caasimada Online

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here