Nin Isbarbar Dhigay Hargeysa 1990 Iyo 2018

0
787 views
Nin Isbarbar Dhigay Hargeysa 1990 Iyo 2018
Maansoor Hotel Hargeysa

Nin Isbarbar Dhigay Hargeysa 1990 Iyo 2018

John Fox oo dhawaan socdaal ku yimid Hargeysa ayaa xusuustiisa Hargeysa dib ugu celiyay 1990 oo ahayd markii ugu dambeysay oo uu Hargeysa yimaaddo. Waxa uu ammaanay horumarka ay samaysay caasimadda Somaliland oo uu ku sheegay meel farxad badan iyo barwaaqo taallo.

“Markii aanu helnay wakhti firaaqo ah waxaanu kaxaysanay Taksi si aanu magaalada ugu soo wareegno, way horumarintay oo barwaaqowday magaaladu tan iyo badhtamihii 1990 oo ahayd markii iigu horaysay ee aan imaaddo. Waaga markii aan soo cago dhigtay waxa wali waddada hareeraheeda laga gurayay Miinooyin haddana waxa wadada hareeraheeda taxan sakado xafiisyo ah, Supermarket-yo, dukaamo iyo meheradaha shaaha oo kobcaya,” Sidaas ayuu yidhi Mr Fox.

“Badhtamaha magaalada waxa ku taalla taallo, waa xasuusta taariikh xannuun badan. Waa MIG 17 oo ah diyaaradihii magaalada duqaynayay 1988,” Sidaas ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyay in reer Somaliland oo sii wata madax bannaanida dalkoodu xusuus u haystaan diyaaraddan saaran badhtamaha magaalada.

Halkan ka akhri warbixintan: No hurry to Hargeisa city, the cheerful capital of Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here