Nawad Shariif Oo Lagu Xukumay 10 sanno Iyo $10m

0
205 views
Nawad Shariif Oo Lagu Xukumay 10 sanno Iyo $10m

Nawad Shariif Oo Lagu Xukumay 10 sanno Iyo $10m

Islamabad(Sayruuq) Ra’isal wasaarihii hore ee waddanka Pakistan Nawas Shariif iyo gabadh uu dhalay ayaa jimcaha maanta lagu riday xabsi ah 10 sanno, 7 sanno iyo ganaaxa lacag ka badan toban milyan oo dollar. Garsoore Maxamed Bashiir ayaa Maxkamadda la dagaallanka Musuqmaasuqa ka hor akhriyay xukunka ra’isal wasaaraha hore.

Kiiskan ayaa la xidhiidha mulkiyadda afar dhisme oo ku yaalla duleedka magaalada London ee carriga Ingiriiska waxaana arrimo musuqmaasuq xilka looga tuuray bishii July ee sanadkii hore oo Maxkamadda sare amartay in isaga iyo qoyskiisa lagu bilaabo baadhitaan musuqmaasuq.

Ra’isal wasaaraha hore waxa la sheegay in lagu helay in uu hab musuqmaasuq u dhistay guryaha, islamarkaana lala wareegay oo dawladda Pakistan lagu wareejiyay mulkiyaddooda.

Sidoo kale Maryama Nawad oo hoggaamiye xisbi ah ayaa lagu riday xukun dhan 7 sannadood iyo 2.6 Milyan oo dollar waxaanay taasi ka reebaysa in ay doorashada guud ee dalkaasi isu soo taagto. Waxa la sheegay in lagu helay shirkado ay leedahay oo ay si musuqmaasuq ah ku samaysatay.

Faahfaahin: Aljazeera

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.