Natiijada Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida

0
Natiijada Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida

Natiijada Fadhigii Maanta ee Golaha Guurtida
Golaha Guurtida Somaliland ayaa saaka yeeshay kulan ku saabsan muddo kordhinta Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Degaanka ee dalka waxaanu goluhu sameeyay guddi muddo saddex maalmood ah ka soo talo bixisa muddo kordhinta goleyaasha.

Xisbiyada Somaliland ayaa ku kala qaybsan arrimaha doorashada. Waxaana jira caqabado waaweyn oo aan la xallin kuwaas oo jaahwareer ku ridaya muddada la kordhin karo oo inta badan u baahan in laga qiyaas qaato xilliga lagu dhammayn karo caqabadaha dib u dhigay doorashada.

Komishanka doorashooyinka qabanaya ayay ku kala aragti duwan yihiin xisbiyadu iyada oo Waddani doonayo in la kala diro laakiin, madaxweynaha iyo Eng Faysal Cali Waraabe arrintaasi diidan yihiin. Arrimo kale oo dhawr ah oo ay ka mid tahay arrinta saami qaybsiga kuraasta wakiillada iyo xeerarka doorashooyinka ayaan wali xal laga gaadhin.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.