“Nafahayaga Ayaa Halis La Galinaya,” Hay’addaha Xuquuqal Iisaanka Somaliland

0

“Nafahayaga Ayaa Halis La Galinaya,” Hay’addaha Xuquuqal Iisaanka Somaliland

Hay’adda Center For Policy Analysis(CPA) ayaa dallada ururada bulshada ee SONSOF ka dalbatay in ay tallaabo ka qaadan wiil shaqaalaha sare ee SONSAF ka mid ah. Hay’addan fadhigeedu yahay Hargeysa ayaa sheegaysa in ninkaasi weerar halis galinaya difaacayaasha xuquuqal iisaanka ee Somaliland ku soo qaaday, islamarkaana hoggaamiyay olole halis ku ah nafahooda.

Sharmaarke Ismaaciil oo ka tirsan SONSAF ayaa aragtidiisa oo kooban ku faafiyay boggiisa Facebook waxaanu is waydiiyay sababta aanay ururada xuquuqal Iisaanku ugu doodin culimada Somaliland lagu xidho isaga oo soo qaatay Sheekh Aadan Sunne oo muddo ku xidhan Somaliland. Sidoo kale waxa uu is waydiiyay in ay u muuqato in aanay hay’addaha caawiya ururadu jeclayn in culimada loo doodo. Todobaadadii u dambeeyay ayaa farriimo noocaas ah lagu arkayay baraha bulshada.

“Nafahayaga Ayaa Halis La Galinaya,” Hay’addaha Xuquuqal Iisaanka Somaliland

Hadalkan waxa sida fiinta uga qayliyay hay’addaha ka shaqeeya arrimaha xuquuqal iisaanka oo sheegay in ay awalba ku noolaayeen jawi halis ay ku jireen  nafahoodu laakiin, lama sheegin waxa ay tahay halista ay ka baqanayaa waxaanay hay’adda SONSAF ka dalbadeen in ay caddayso mawqifkeeda difaacayaasha Xuquuqal Iisaanka, islamarkaana tallaabo ka qaado shakhsiga shaqaalaheeda ka midka ah ee olole ka dhan ah ururada Xuquuqal Iisaanka wada.

Hay’addaha xuquuqal Iisaanka ayaa muddooyinkii u dambeeyay u doodayay Naciima Abwaan Qorane iyo Maxamed Kayse Bigeeye oo lagu helay dambiyo ka dhashay waxyaabo ay boggooda Facebook ku faafiyeen. Ururada ayay doodoodu ahayd in aanu dambi ka dhalan aragtida qofku dhiibto, islamarkaana dastuurku damaanad qaaday.

“Nafahayaga Ayaa Halis La Galinaya,” Hay’addaha Xuquuqal Iisaanka Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.