Nacnac Oo U Hanjabay Jabuuti Ka Hadlay Xukunka Buurmadow

0
659 views
Nacnac Oo U Hanjabay Jabuuti Ka Hadlay Xukunka Buurmadow

Nacnac Oo U Hanjabay Jabuuti Ka Hadlay Xukunka Buurmadow

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nacnac oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa soo dhaweeyay xukunka shanta sanno ah ee lagu riday Boqor Buurmadow. Waxa kale oo uu soo dhaweeyay Xildhibaan guurtida ka tirsan oo shaqada laga joojiyay markii uu ka qayb galay xaflad Puntland ka dhacday.

Xildhibaan Nacnac ayaa sheegay in Boqor Buurmadow iyo dadka la mawqifka ahi ku dheeldheelayaan Somaliland oo dhiig iyo dhaqaale burbur ku taaggan dadka Somaliland waxaanu u ku eedeeyay istusnimo Boqor Buurmadow oo uu xadhigiisa ku sheegay caddaaladdii oo shaqaysay.

Sidoo kale waxa uu dawladda Jabuuti ku eedeeyay in ay wefti Soomaaliya ah keentay xuduudka. Waxa uu sheegay in aanay haboonayn in Jabuuti sidaas ula dhaqanto Somaliland iyada oo la ogyahay in ay Hiil walaal baxday oo si weyn u taageersan tahay Soomaaliya.

“Reer Jabuuti waxaanu leenahay wixii hore waxaas ha noogu darina.Markii aad hiil walaal la baxdeen haddana haddii aad xuduudkayaga soo gashaan dee wax kale ayaa xigi doona, xuduudkayagii ayaad tidhaahdeen Soomaaliya xukunta adeer taasi nama qabato ee dhibaatada naga daaya,” Sidaas ayuu yidhi Mr Nacnac.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa inta badan difaaca xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti.

Halkan ka daawo waraysiga Xildhibaan Nacnac

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.