Naciima Qorane Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

0
597 views
Naciima Qorane Oo Ku Adkaysatay Mawqifkeeda Soomaaliweyn

Naciima Qorane Oo Xabsiga Laga Sii Daayay

Naciima Abwaan Qorane oo ciidamada ammaanka Somaliland xidheen bishii January ee sanadkan ayaa saaka xabsiga Gabiley laga sii daayay. Naciima oo maxkamadda gobolka Maroodijeex dhawaan ku riday xabsi saddex sanno ah ayaa ku soo baxday cafis Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi u fidiyay.

Madaxweyne Biixi ayaa dhawaan u yeedhay Naciima aabaheed kuna wargeliyay sii daynteeda. Abwaan Qorane ayaa dorraad sheegay in inantiisu fiican tahay inkasta oo ay marar xanuunsatay laakiin, xabsiga Gabiley ay ku fiicnayd laguna bookhan jiray.

Naciima ayay maxkamaddu u heshay falal ka dhan ah Qaranka oo ku saabsan in ay Somaliland ku sheegtay gobol Somalia ka mid ah, islamarkaana ay xaqiraysay Qarannimada Somaliland.

Boqor Buurmadow oo isna lagu helay dambi kuwaas la mid ah ayaa xabsiga ugu jira xukun 5 sannadood ah. Hoggaamiyaha Waddani Xirsi oo dorraad galab dalka soo gaadhay ayaa isla shalay subax xabsiga ku bookhday waxaana muddooyinkii u dambeeyay iska soo daba dhacayay dalabyada ku saabsan in madaxweynuhu cafiyo.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Sayruuqnews@gmail.com

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here