Muxuu Wasiir Sacad Kala Hadlay Dhiggiisa Somalia?

0
682 views
Muxuu Wasiir Sacad Kala Hadlay Dhiggiisa Somalia?

Muxuu Wasiir Sacad Kala Hadlay Dhiggiisa Somalia?

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay arrimaha ay isla soo qaadeen wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ay todobaadadii la soo dhaafay ku kulmeen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Waxa uu sheegay in aanay yeelan wada hadal rasmi ah laakiin, ay isla soo qaadeen arrimo guud oo walaalnimada iyo Soomaalinimada ku salaysan.

“Wada hadal Rasmi ah oo aniga iyo wasiirka arrimaha dibadda Somaliland na dhex maray ma jiro. Wada hadal rasmi ah waxa weeye marka dawladda aad metelaysa ku wakiilato ee lagu yidhaahdo hawsha soo qabo, marka hawl sidaas ah oo la ii soo diray ma jirin, wasiirkuna sida uu ii sheegay hawl loo soo diray ma jirin,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka khaarajiga Somalia

Wasiir Cawad waxa uu sharraxay kulanka dhex maray Dr Sacad “Waxa dhacday oo kaliya in aniga iyo wasiirku aanu ku kulanay hudheel la yidhaahdo Sharatoon anaga oo saaxiibo kale oo Soomaali ah la socona, marka sida dhaqanka fiican ee bani’aadanimadu yahay Soomaalinimaduna tahay aniga iyo wasiirku waanu isa salaanay, waanu is marxabaynay laabtaanu is galinay, waanu iska sheekaysanay sida aanu Soomaalida kaleba u sheekaysano,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Axmed Ciise Cawad.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu soo bandhigay arrimaha uu Dr Sacad kala hadlay “Waxaanu is xasuusinay oo isaguna(Sacad) si niyad ah u muujiyay in ay fiican tahay in Soomaalinimada, wadaagga nabadgalyada la ilaaliyo, in aan dhiig Soomaaliyeed macno darro ku daadan,  in aan khilaafka ama is afgaran waaga jira ama wixii lagu kala duwan yahay la sii fogayn, waxyaabahaas ayaanu ka sheekaysanay si caadi ah,” Sidaas ayuu yidhi wasiirka oo kulankan ku macneeyay in aanu ahayn wada hadal rasmi ah.

Wasiir Sacad oo hore uga hadlay kulanka ayaa sheegay in ay isla soo qaadeen sidii arrinta degaanka Tukaraq ka taaggan looga wada hadli lahaa, islamarkaana dib loogu bilaabi lahaa wada hadallada Somaliland iyo Somalia. Wada hadalka labada dal ayaa la filayaa in uu bisha dambe si rasmi ah uga furmo Jabuuti kadibna loo wareejiyo dalka Switzerland ee Carriga Yurub.

 

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.