Muxuu Wasiir Gavin U Bedelay Qoraalkiisa Somaliland?

0
Muxuu Wasiir Gavin U Bedelay Qoraalkiisa Somaliland?

Muxuu Wasiir Gavin U Bedelay Qoraalkiisa Somaliland?
Hargeysa(Sayruuq) Xoghayaha difaaca Ingiriiska Gavin Williamson, ayaa sheegay inay isaga iyo Madaxweyne Biixi ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada waddan ee Somaliland iyo Ingiriiska.

Xoghayaha difaaca Gavin, ayaa qoraal kooban oo uu shalay soo dhigay barta uu ku leeyahay twitterka wuxuu ku yidhi “Waxa sharaf ii ahayd inaan la kulmo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, si aanu uga wada hadalno xoojinta xidhiidhka labadayada wadan.”

Xoghaye Gavin, wuxuu intaas raaciyay “Waxaan sidoo kale fursad u helay inaan soo arko qaar ka mid ah shaqooyinka ay ciidamadayada qalabka sidaa ka qabtaan Somaliland.”

Qoraalka xoghayaha difaaca Ingiriiska, ayaa si weyn loogu falanqeeyay baraha bulshada, gaar ahaan aaladda twitterka, waxaana su’aalo la iska weydiiyay miisaanka qoraalka uu xoghaye Gavin kaga hadlay kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Biixi. Waxa qoraalkiisa si weyn uga soo horjeestay bulshada reer Somalia ee barahan isticmaasha waxaana si weyn u soo dhaweeyay bulshada Somaliland waxaana si weyn madaxa isula galay labada dhinac.

Hase yeeshee xoghayaha difaaca Ingiriiska, ayaa xalay cawayskii tifaftir ku sameeyay qoraalkaas culus ee uu hore u baahiyay, waxaanu markan dambe qoraalkiisa ku soo koobay, “Dhammaadkii toddobaadkan, waxa sharaf ii ahayd inaan la kulmo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Sidoo kale waxaan fursad u helay inaan soo arko qaar ka mid ah shaqada ay ciidamadayada qalabka sidaa ka wadaan Somaliland.

Wuxuu xoghaye Gavin, qoraalkiisa dambe ee uu tifaftirka ku sameeyay uu kaga saaray weedha uu qoraalkiisa hore ku sheegay inay Madaxweyne Biixi ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka labada wadan.


Source: Geeska
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.