Muxuu Wasiir Gavin Ka Yidhi Socdaalkiisa Somaliland?

0
UK Oo Russia&UAE Kula Biirtay Danaynta Saldhig Militari

Muxuu Wasiir Gavin Ka Yidhi Socdaalkiisa Somaliland?
Wasiirka gaashaandhigga dalka Ingiriiska Mr Gavin Williamson oo shalay socdaal ku yimid caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa barihiisa bulshada ee Twitter-ka iyo Facebook si kooban ugaga hadlay ujeedada socdaalkiisa Hargeysa.

Wasiirka difaaca ee Ingiriiska ayaa sheegay in socdaalkiisu daarna xoojinta xidhiidhka labada dal “ Waxaan kulan mudnaan leh la qaatay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, si aanu uga wada hadalno xoojinta xidhiidhka labadayada dal ka dhexeeya. Waxa kale oo aan fursad u helay in aan soo arko shaqada ciidamadayadu ka qabtaan Somaliland,” Sidaas ayuu wasiirku ku sheegay qoraalkiisa kooban.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Ingiriisku waxa uu hore u soo maray dalalka Koonfurta Suudaan iyo Kenya oo uu soo eegay ciidamo halkaas ka jooga Ingiriiska kuwaas oo tababarro iyo arrimo bani’aadanimo halkaas u kala jooga.
https://twitter.com/GavinWilliamson/status/1082269836208717824
Xukumadda Somaliland Oo Faahfaahisay Bookhashada Wasiirka Difaaca Ingiriiska
Wasiirka Gaashaandhigga UK Oo Hargeysa Yimid
Ingiriisku Ma Waxa Uu Doonaya Saldhigyo Militari?

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.