Muxuu Saamayn Ku Leeyahay Heshiiska Berbera Go’aanka Baarlamaanka Somalia?

0
743 views
Muxuu Saamayn Ku Leeyahay Heshiiska Berbera Go’aanka Baarlamaanka Somalia?

Muxuu Saamayn Ku Leeyahay Heshiiska Berbera Go’aanka Baarlamaanka Somalia?

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay heshiiska Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadku gaadheen in ay maamulka dekedda Berbera u yeeshaan saamiyo dhan 30%,19% iyo 51% sida ay isugu xigaan. Baarlamaanku wuxuu soo saaray sharci mamnuucaya in Dp World ka hawlgasho Soomaaliya oo Somaliland ku jirto iyada oo ujeedku yahay carqaladaynta heshiiska horumarinta Berbera.

Haddaba waxa la is waydiinaya suuro gal ma tahay in go’aanka baarlamaanka Soomaaliya hor istaago heshiiska saddex geesoodka ah ee Somaliland, Itoobiya iyo Imaaraadku ku galeen Dubai oo uu joogay ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Sharci yaqaan Sakariye oo ka tirsan hay’ad khilaafaadka ka shaqaysa ayaa go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamay wax la iska qorqoray“Horta sharci haddii aanu sidiisaba haysan awood fulineed waxba sharci maaha ee waa uun warqado la qor-qoray, taasi waa xaqiiqa maankana in lagu hayo weeye, amarka dawladda Federaalka ahna kama shaqaynayo Berbera iyo Hargeysa, Berbera iyo Hargeysana mar hore ayayba yidhaahdeen ‘gooni isu taag baan nahay’,” Sidaas ayuu yidhi Abukaate Sakariye oo sheegay in arrintani keenayso sii kala fogaanshaha bulsho ee Hargeysa iyo Muqdisho.

Dawladaha Itoobiya iyo Imaaraadka oo leh saami dhan ilaa 70% maamulka dekedda Berbera wali kama hadal arrintan. Labadan dawladood ayaa saamayn ku dhex leh Soomaaliya waxaanay ka caawiyaan dhanka ammaanka, iyaga oo galangal badan u leh maamul goboleedyada qaarkood. Lama saadaalin karo waxa ay kaga jawaabi doonan go’aankan laakiin, Somaliland waxay sheegtay in aanay waxba ka qaadayn socodsiinta heshiiska Berbera hadallada Soomaaliya.

Guddoomiyaha shirkadda DP World mar sii horaysay wuxuu hadalka ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ku tilmaamay hadal iska socda oo aanay joojin Karin waxaaanu sheegay in ay heshiiska la galeen Somaliland oo madax bannaanayd 28 sanno waxaana intaas raacay dacaayad badan oo laga faafiyay Madaxweyne Farmaajo oo Soomaaliya sheegtay in Imaaraadku ka dambeeyo.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here