Muxuu Madaxweyne Museveni Ku Jeclaaday Trump?

0
49 views
Muxuu Madaxweyne Museveni Ku Jeclaaday Trump?

Muxuu Madaxweyne Museveni Ku Jeclaaday Trump?

Madaxweynaha Waddanka Yuganda ee Bariga Afrika Mr Yoweri Museveni ayaa sheegay in uu jecel yahay Madaxweynaha Maraykanka Mr Donald Trump. Hadalka madaxweynaha ayaa yimid laba todobaad kadib markii madaxweynaha Maraykanku waddamada Afrika oo Hayti ku jirto ku tilmaamay kuwo wasakh ah ama wax liita ah. Laakiin, hadalkan Museveni ayaa soo jiitay indhaha warbaahinta iyo baraha bulshada.

Madaxweynaha Uganda oo ka hadlayay kulanka golaha sharci dejinta Bariga Afrika oo lagu qabtay Kampala ayaa isaga oo dhoolla caddaynaya sheegay in Madaxweyne Trump si daacad ah ula hadlay Afrika “Maraykanku wuxuu helay madaxweynihii abid ugu fiicna, waa Mr Trump. Waa jecelahay anigu Trump maxa yeelay Trump Afrika wuxuu wax ugu sheegay si daacad ah. Afrikaanku waxay u baahan yihiin in ay dhibtooda xalliyaan, Afrikaanku waa diciif. Haddii aad nugushahay ma badbaadaysid. Afrika ayay khaladkeeda tahay in ay diciif yihiin. 12 Jeer baynu Hindiya ka waynay cabir ahaane maxaynu u xooggaysan waynay? Sidaas ayuu yidhi Museveni.

Midawga Afrika iyo waddamo badan oo qaaradda Afrika ah ayaa si kulul uga jawaabay aflagaadada Trump dalalka qaarna safiirradooda ayay u yeedheen. Waddanka Haiti oo caydan qayb ka ahaa ayaa isu soo baxyo kaga soo horjeestay hadalka madaxweynaha Maraykanka. Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Axaddii BBC-da u sheegay in uu Afrika la qabo ka xumaanta aflagaadada Trump. Danjiraha Maraykanka ee Uganda Deborah R. Malac ayaa sidoo kale sheegtay in hadalka Madaxweynaheeda Maraykanku ahaa mid qas iyo niyad jab horseedaya.

Hadalkan Madaxweynaha Uganda ayaa u muuqda mid qayb ka ah canaanta madaxda Afrika xilligan is canaanayso maaddaama ay dunida ka dambeyso, islamarkaana gumaysi dad badan ay ku hayaan reer Galbeedku. Madaxweynaha Gaana ayaa dhawaan isaga oo shir jaraa’id la qabtay Madaxweynaha Faransiiska waxa uu sheegay in aanay u baahnayn kaalmada reer Galbeedka laakiin, ay jecel yihiin in ay isku tashadaan kana maarmaan arrimahaasi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay sheegay in caawimooyinka hay’adaha shisheeye ay bixiyaan ay tahay wax laga maarmi karo isla markaana aan loo baahnayn cashuur laga soo qaaday Yuhuud iyo Budhiisam sida uu yidhi.

“Waxaynu qabnaa in aynaan innagu is bixin karayn dal ahaan oo waxba qabsan karayn waxaynu qabnaa in mar walba aan nidhaahno wasaaradda caafimaadka hay’adi ha daryeesho waa arrin la yaab leh. 26 sano ku jiri mayno hay’ad wax inna siisa hay’aduhu lacagta xaggee ka keennaan? Hay’aduhu waxay keennaan waa cashuur ay bixiyeen dad ajinabi ah oo aynaan isku diin ahayn, hay’aduhu waxay keenaan sadaqo dad kiristaan, yuhuud iyo budhiisam ay bixiyeen waxaan qabaa inaynu heli karayno waxay hay’aduhu bixiyaan..”

Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa isna waraysi uu shalay bixiyay ku sheegay in loo baahan yahay in dawladdu miisaaniyadda ku darto lacagta ku baxaysa doorashooyinka Somaliland halkii kaalmo laga sugi lahaa waddamada reer Galbeedka oo kharashka ay bixiyaan ku hoos ladha dano ay leeyihiin.

Dhakhtarka Gaarka Ah Ee Aqalka Cad Oo Warbixin Ka Soo Saaray Caafimaadka Madaxweyne Trump

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.