Muxuu Luuqada Adag Ugu Hadlay Ugaaska Beelaha Arab?

0
529 views
Muxuu Luuqada Adag Ugu Hadlay Ugaaska Beelaha Arab?

Muxuu Luuqada Adag Ugu Hadlay Ugaaska Beelaha Arab?
Habeenimadii bishan October ahayd 6 waxa degaanka Uubaale ee duleedka Koonfureed ee Hargeysa ka dhacay fal ugub ah. Waxa goor habeenimo ah dab iyo baadrool la qabad-siiyay qoys halkaasi degan. Inkasta oo aanu dad ku dhiman waxa halkaas ku shaaxiday xoolo iyo hoy. Xoolaha ayaa reerku sheegay in badhkood ku maqan yahay firxadkii ay dabka ka baxsadeen halka haweenaydii reerku jabtay iyada oo dabka iska banbaaninaysa.

Inkasta oo aan wax hadal ah laga hayn dadka dhibka gaystay hadana qolada dhibbanaha ahi waxay sheegtay in caddaalad darro bahda garsoorku samaysay arrintan sababtay markii dhawr jeer beero labada dhinac ku muransan yihiin marba dhinac loo xukumay.
“Waxa Mashaqada Keenay Caddaalad Darrada,” Qoys La Gubay

Waxa shalay halkaas bookhday qoyska la gubay ugaaska guud ee beelaha Arab Ugaas Cali-mahdi oo ay weheliyaan guddoomiyaha guddida beelaha Garxajis iyo waxgarad kale. Ugaaska ayaa u hadlay si kulul oo cadho ka muuqato taas oo uu ku macneeyay laba qodob.

Qodobka hore ayaa ah in aanay beesha falkan gaysatay wax xidhiidh ah la soo samayn, sidoo kalena aanay xukumaddu wax tallaabo ah qaadin marka laga reebo Maayarka Hargeysa oo agab yar geeyay. Waxa uu sheegay in boqolaal nin oo hubaysan joogaan goobtan Hargeysa dusheeda ah, islamarkaana aan dib loo qaadi doonin ilaa arrintan xal keeda la keeno.

“Nabad iyo wanaag ayaynu ku sugayna bal inta ciddii wax samaysay si uun yeelayso,” sidaas ayuu yidhi Ugaas Cali-mahdi.

Hase ahaatee wuxuu u muuqda mid si weyn uga cadhaysan jawaabta habsanka ah ee falkan foosha xun “Xukumadda cid baa ka socotay oo bahalaha yaryar ee cascas(Baco iyo busteyaal) ayay keeneen baa la yidhi, waa xaaraan in aad celisaan bay ahayd haddana way u yaallan ee ha soo doontan, waxba loogama baahna,” ayuu yidhi Ugaas Cali-mahdi.

Waxa uu intaasi raaciyay “Waxa kale oo la yaab leh, ceel jabay ama dhaam jabay ayaa loo gurman jiray oo ilaa madaxweynuhu tagi jiray (laakiin) wali lagama hayo xattaa kalmad lagama hayo, isaga iskaba daa, ciddii waxan gaysatay waa reer oo dadku waa wada reer e ilaa imika xattaa baroor diiq kama hayno, waa siday wax yihiin kama hayno, waa arrin u wada taalla oo way qoran tahay mana illoobayno.
In ay wax dhacaan waanu ka digtoonahay ciidankiina halkan ayay joogaan, 200 oo qori ayaa halkan yaalla laakiin, waxba ma dhacayaan inta ay ku degdegayaan waxa weeye ciidanka dib u qaada, ciidan dib loo qaadaya ma jiro. Way joogayaan ilaa la helo jawaab oo la helo waxarihii la laayay. Nabad ayay dib ugu noqon karaan ama hore ayay u socon doonan, waxa dhadhamayay in la leeyahay halkan ka guura..,” Sidaas ayuu yidhi Ugaas Cali-mahdi.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.