Muxuu Jawaari Uga Hordhacay Kulanka Barri? Cabdiraxmaan Cabdishakuur

0
1,484 views
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Dhalliilay Warqadda Xukumadda Farmaajo Deeqaha Ugu Diidayso Somaliland

Saaxibkeey ayaa i waydiiyey muxuu Jawaari shirka jaraa’id ugu hordhacay kulanka uu Baarlamaanka beri ugu balansanaa. Waxaan ku iri waxaan ka mid ahaa 6 ruux oo labo Ajnabi tahay (Museveni iyo Mahiga) oo qayb ka ahaa wadahadalkii ka dhacay Madaxtooyada Uganda ee lagu go’aamiyey in Farmaajo xilka Raysalwasaare looga qaado 2011kii.

Shir habeeno socday ka dib ayuu Madaxweyne Shariif go’aansaday in Farmaajo iscasilo. Farmaajo wuxuu yimid Kampala. Wadahadal saacado qaatay ka dib oo isaga Sheikh Shariif dhexmaray ayuu ku aqbalay in uu iscasilo. Xiligaas waxaa taagnaa loolan Xukuumada iyo Baarlamaanka u dhexeeyey. Farmaajo markii uu Muqdisho ku soo laabtay ayuu damcay in uu ka laabto balantii uu Kampala ku soo qaaday, laakiin ugu danbayntii cadaadis dhinacyo kala duwan kaga yimid ayuu ku aqbalay. Habeenkii heshiiska la saxiixayey ayaa la isku soo qaaday in Farmaajo dhinaciisa ka saxiixo heshiiska, laakiin wuxuu ku adkaystay in aan loo baahnay, isaguna nin qowl leh yahay.

Saxiibkeey waxaan ku iri waxaa laga yaabaa in Madaxweyne Farmaajo uu ka shakiyey Jawaari in uu war kale beri la soo shirtago, sababtoo ah Jawaari intii uu hadlayey marna ma xusin kaalinta Madaxweynaha, uma mahad celin, magaciisana sooma qaadin. Odaygu uma ekayn nin ku qanacsan in uu maanta hadlo.

*fiiro gaar ah: faahfaahinta shirar kii heshiiskii Kampala mar kale iyo meel kale ayaan uga hadli doonaa.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.