Muxuu Imaaraadku Dekedda Berbera U Keeni Waayay Shidaalka Itoobiya Ee Ereteriya La Gaynayo?

0
722 views
“Cidla ayuu inaga helay Cabdiwali Gaas,” Prof Buubaa

Muxuu Imaaraadku Dekedda Berbera U Keeni Waayay Shidaalka Itoobiya Ee Ereteriya La Gaynayo?
Prof Ismaaciil Hurre Buubaa Wuxuu Sheegay In Halka Laga Qaadayo Shidaalku U Dhawdahay Ina Guuxa iyo Balligubadle halka ugu dhaw ee ugu habboonna tahay Berbera laakiin, masaafo dheer loo wadayo Ereteriya
Hargeysa(Sayruuq):-Siyaasiga weyn ee reer Somaliland Pro.Ismaaciil Hurre Buubaa oo sida oo kale na ah khabiir aad ugu xeel dheer arrimaha Geeska Afrika iyo siyaasadda Caalamka, ayaa iftiimiyey fursadaha Somaliland ugu jiri kari lahaa dhuumo shidaal qaadis ah oo dawladda Imaaraadku ku doonayso in shidaalka Itoobiya ay geeyaan dekedda Casa bee dalka Ereteriya, waxaana uu sheegay haddii Somaliland la iman lahayd tartan dhaqaale ay noqon lahayd wadanka marti-geliya dhuumahaas soo qaadaya shidaalka oo uu sheegay in uu u arko in ay Somaliland tahay meesha keliya ee ugu habboon in la soo mariyo dhuumahaasi.
Jimcihii ayaa dawlaha Itoobiya iyo Imaaraadku ku heshiiyeen in dhuumo shidaalka Itoobiya geeya Ereteriya ay maalgaliso dawladda Imaaraadka. Waxa la rumaysan yahay in shidaalkaasi laga qaadayo gobolka Soomaalida Itoobiya oo dhawaan la tijaabiyay shidaalka laga helay waxaana jiray qorshe hore oo dhuumaha lagu gayn lahaa Jabuuti laakiin, waxa khilaaf ka dhexeeya Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta waxaana is waydiin mudan sababta Imaaraadku masaafada dheer u leexiyay dhuumaha shidaalka iyada oo shirkadda DP World ee Imaaraadku horumarinayso dekedda Berbera oo ay 30 sanno maamuli doonto.

Prof Ismaaciil Hurre Buubaa oo wargeyska Waaberi arrintan wax ka waydiiyay ayaa sheegay in Somaliland looga baahan yahay tartanka, islamarkaana halka ugu haboon ee shidaalkaasi laga dhoofin lahaa tahay Somaliland maaddaama aanay waxba u jirin halka laga helay shidaalku xuduudka Somaliland iyo Itoobiya, islamarkaana masaafo dheer loo wadayo Ereteriya.

Prof oo ka hadlaya hindisahan Imaaraadka iyo Itoobiya waxa uu yidhi “Horta dhuumo(Pipeline) ma jiraan, laakiin pibeline nada dhinaca Patrolka Itoobiya ee Asmara illaa Itoobiya aad bay u kala fog tahay, xuduuda Itoobiya na waxa uga dhow dhinaca Somaliland, mashruuc dhinaca Jabuuti ahina waa uu jiray, markaa waxa aan anigu u qaadanayaa uun qoondada ay Imaaraadku ku doonayaan in ay siyaasadda Mandaqadda ay door weyn ka ciyaarayaan oo ay muujiyaan in uu mashruucu yahay laakiin mashruuca laftiisu na waa qoonde ee wax la fuliyey maaha, mashaariic kale oo iyagu na bar-bar socdaana waa ay jiraan, horumarka ganacsigu na waa tartan, markaa Somaliland waxa loogga baahan yahay in ay tartanka si wacan u gasho, iyagaa leh xuduudada ugu dhow ee Itoobiya oo si wanaagsan badda cas iyo Maraakiibta Patrolka keenayaa ay imaanayaan Berbera, xuduudada Ina Guuxa, Balli-gubadle oo halkaa waxba uga ma jiraan ba, markaa mustaqbalka waxaan u arkaa in uu yahay Pipeline ka ugu dhow e’ ugu ammaansan in uu yahay kaa Somaliland dhex-maraaya oo badda cas ka imanaaya illaa Berbera ee deedna imanaaya xuduudka Itoobiya, taas baa markaa ugu dhakhso badan oo Itoobiya ku heli kartaa, markaa waxa loo baahan yahay in Somaliland ay dadka ganacsatada iyo dhinaca qorshaha guud, horumarka dhaqaalaha ba si wanaagsan looggu falan-qeeyo oo laga ga wada-hadlo.”.

Geesta kale waxa uu xukumadda madaxweyne Biixi ku boorriyay in la sii wado soo celinta hantida la boobay wakhtigii xukumaddii hore oo ay ka mid yihiin dhul, guryo iyo lacag.
“Sideeda ba hantidii wakhtigii dawladdii KULMIYE ee Siilaanyo wakhtigeedii la boobay in la soo celiyo waa ay wacan tahay laakiin dhinaca dhaqaalaha haddey noqoto anigu waxa aan aaminsanahay in gacanta gaarka loo lee yahay ay ka wacan tahay gacanta dawladda oo ay ku kala wanaagsan yihiin, laga ga fir-fircoon yahay xagga dawladda, xagga manfacadda na uu wadanka uga badan yahay, labada na siddii la iskugu daalacaa naasili lahaa waa laga ma maarmaan oo iyada oo ay laga ma maarmaan tahay soo celinta hantidii la boobay oo dawladdu in ay la soo noqotaa ay wanaagsan tahay hada na waa in aanay dawladdu isku ilaawin in iyadu isku qaadato in ay maamuli karto ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga oo waxa iyada kaga wanaagsan dawladda. Waan soo dhaweynayaa in wixii badnaa ee la boobay ee hantida umadda ahaa la soo celiyo oo maaha uun keliya ilahaa dhaqaalaha e’ waynu ogsoonahay guryihii iyo dhulkii iyo waxaas iyo lacagihii faraha badnaa ee sida xun loo boobay ee imika na guddiyada Baarlamaanku ay qaarkood gacanta ku hayaan, markaa arrimahaas waxa loo baahan yahay in si fir-fircoon ay dawladdu wax uga qabato, dadweynaha na waxa loogga baahan yahay in wixii macluumaad ah ee jira ay soo bandhigaan oo iyaga laftoodu na xaq bay u lee yihiin in ay dacweeyaan oo dadka qaar na waaba la ogsoon yahay in ay hantidii umadda boobeen oo weli ba si xishmad la’aan ah ay sida ay doonaan ka yeeleen dhaqaalahii wadanka.”.

Source: Wargeyska Waaberi
Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.