Muxuu Daaran Yahay Dalabka Dibadbaxayaasha Ceerigaabo?

0
961 views
Muxuu Daaran Yahay Dalabka Dibadbaxayaasha Ceerigaabo?

Muxuu Daaran Yahay Dalabka Dibadbaxayaasha Ceerigaabo?

Booliska iyo dibadbaxayaal cadhaysan ayaa isku dhacay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Mudaharaadeyaasha ayaa gubayay taayirro waxaanay iska caabiyeen ciidamada ammaanka.

Dadka dibad baxayay qaarkood oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegaya in aanay aqbalayn in la xidho sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Militariga Somaliland kaas oo dhawaan ka soo muuqday muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada isaga oo si weyn u cadhaysan.

Sarkaalkan oo la hadlayay saraakiil booliska iyo militariga gobolka Sanaag ah ayaa si weyn uga cadhaysna isku dhaca beelaha degaannada Ceelafweyn isaga oo hadalkiisa ku soo qaaday in ciidamada ammaanku isku eegayaan ciidan beeleedada dagaallamaya.

 

Lama oga in xukumaddu xilligan xasaasiga ah si rasmi ah u qabanqaabisay xadhigga Sarkaalkan sare laakiin, waxa jira warar ku saabsan in la doonayo in la soo qabto taliyahaas oo hadda gooni u goosad ku jira.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.