Muwaadiniinta Afrika Oo Visa La’aan Ku Galaya Itoobiya

0
584 views
Muwaadiniinta Afrika Oo Visa La’aan Ku Galaya Itoobiya

Muwaadiniinta Afrika Oo Visa La’aan Ku Galaya Itoobiya
Addis Ababa(Sayruuq) Dawladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay dhammaan muwaadiniinta Afrikaanka ah Visa la’aan ku iman doonan waddanka Itoobiya. Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome oo khudbad u jeedinayay fadhi wada jir ah oo ay yeesheen labada gole baarlamaan ee Itoobiya ayaa sheegay in siyaasadda 2018-2019 ee Itoobiya fulinayso qorshe fiise la’aan ay iman karaan bulshada Afrika.

Siyaasaddan ayaa dhigaysa in qofku marka uu Itoobiya yimaaddo la siiyo dal ku gal ku galka.madaxweyne Mulatu Teshome wuxuu sheegay in Itoobiya sidaas u samaynayso si ay doorkeeda uga qaadato siyaasadda Afrika ee heshiiska ganacsiga xorta ah.

Qorshahan ayaa la rajaynaya in uu gacan ka gaysto horumarinta dalxiiska, dhaqaalaha iyo xidhiidhka diblamaasiyadda

Source: ENA

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.