“Muuse Nin Reereed Ayuu Noqon Doona,” Eng Faysal

Hoggaamiyaha xisbiga UCID Waxa uu madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu dalka ku wado dagaalkii 1994 oo kale

0
813 views
“Muuse Nin Reereed Ayuu Noqon Doona,” Eng Faysal

“Muuse Nin Reereed Ayuu Noqon Doona,” Eng Faysal
Hargeysa(Sayruuq) Eng Faysal Cali Waraabe hoggaamiyaha xisbiga UCID waxa uu sheegay in ay sanadka 2019 qaban doonaan Waddani iyo UCID shir beeleed la mid ah kii lagu aasaasay Somaliland 1991 maaddaama madaxweyne Biixi diiday in xal laga gaadho guddida doorashada. Waxa uu sheegay in aanay sinaba ku dhacayn in madaxweyne Muuse iyo goleyaasha wakiillada iyo degaanku sii fadhiyaan haddii doorashada la qaban waayo sanadka dambe.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn uga cadhaysan in Kulmiye diiday ajandaha uu wato ee ah in guddida doorashada laga dhigo 9 xubnood iyo ajandaha kale ee uu wato Waddani oo ah in kala diro Komishanka “Doorasho dhici mayso.
Haddii doorasho dhici waydana kuwana mar dambe oo loo kordhinaya ma jirto, marka shir beeleed baanu qabanayna waayo dimuraadiyadayntii way dhimatay waxaana dilay Muuse Biixi, karis xun(Iyana wax ku la), marka waan iska fadhiyaya shanta sanno oo doorasho qaban maayo rabashkan dawladaha hoose iyo wakiillada ee bilaa macnaha ahina way noo fadhiyayaan ma dhacayso,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal oo telefishanka Goobjoog u warramayay.

Waxa uu sheegay in Dr Cirro oo doonaya in guddida doorashada la kala diro iyo madaxweyne Biixi oo diidan in la kordhiyo labaduba khasaari doonan “ Iyaguna guddoomiyeyaal noqon maayaan iyo madaxweyne ee shir beeleed ayaan qabanayna,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Eng Faysal waxa uu sheegay in xilligii la doortay madaxweynaha oo kale 13 November 2019 uu noqon doono shir beeleedku lagana tashan doono goobta la qabanayo.

Eng Faysal oo la waydiiyay sida loo arki doono in Somaliland ku noqoto halkii ay ka timid 30 sanno ka hor waxa uu ku jawaabay “Dee yaa (ka masuul ah) karis xun Iyana wax ku la, saw ugu maanu taag waayin waar waddanku ha socdo, saw muu diidin, ma waxay kula tahay in uu noo fadhiyi doono madaxweyne aan ogolayn dimuquraadiyad oo aan gar qaadanayn.”

Waxa uu madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu Somaliland ku wado dagaalkii sokeeye ee dhacay dhawr sano ka dib markii SNM dalka soo gashay “Sidii SNM-ta uun bay noqon doonta saw SNM-tu waddanka may soo galin oo ismay dilin tii uun buu ku wada,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Guddoomiyaha UCID oo la waydiiyay in isaga iyo Cirro leeyihiin awood ay ku qabtaan shirweyne Qaran waxa uu ku jawaabay “ Waanu leenahay labadayada xisbi anaga ka dad badan. Haddii uu joojin waayo Muuse oo wax maqli waayo dhegaha anaga u furi doona. Haddii uu diido in uu madaxweyne noqdo nin reereed ayuu noqon doona.”

Waxa kale oo la waydiiyay in ay tahay in ay xal kale raadiyaan halkii ay shir beeleed ka qaban lahaayeen waxa uu yidhi “ Dee ha furo (Xal kale) ma ninka diiday todoba ha laga dhigo sagaal ayaa xal doonaya,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Daawo Waraysi Kulul: “Anigu Hablaha Yaryar Ee U Heesa Ma Ihi,” Eng Faysal Cali Waraabe

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.