“Muuse Ma Wasiirkiisa Guduhu I Mooday,” Dr Cirro

0
89 views
“Muuse Ma Wasiirkiisa Guduhu I Mooday,” Dr Cirro

“Muuse Ma Wasiirkiisa Guduhu I Mooday,” Dr Cirro

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa si kulul ugu jawaabay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shalay ku eedeeyay in Dr Cirro wali bulshada Waddani taageerta ku sii wado hadallo ku saabsan in codkii Waddani la boobay. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in markii loo sheegay colaadda Ceelafweyn ka dhacday qofkii u horeeyay ee uu arrinta kala hadlay ahaa Dr Cirro.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in ay xisbi ahaan diyaar u yihiin gacan siinta cid kasta oo qayb ka qaadanaysa daminta colaadda degmada Dararweyne laakiin, masuuliyadda heshiisiinta iyo fulinta heshiisyadii hore saaran tahay xukumadda Madaxweyne Muuse sidaas awgeedna aanay muhiimadu ahayn in Dr Cirro noqdo qofka u horeeya ee lagala tashado.

Madaxweynuhu Taleefan buu ii soo diray, wuxuu igu wargeliyay in ay colaadi halkaas ka dhacday, aad buu ugu mahadsan yahay in uu igu wargeliyo, Madaxweynaha waxaanu isla qaadanay in aan arrintaas baaq nabadeed ka jeediyo baaqii nabadeedna isla saacad kadib ayaan jeediyay aniga oo Boorama jooga, wax kale kamaanu ballamin Madaxweynaha, anna waxaan ku idhi xilku adiga ayuu ku saaran yahay, marka waxaan jeclahay in aanay Madaxweynaha iskaga khaldamin wasiirkiisa gudaha iyo Cabdiraxmaan Cirro xilka laga rabo,” Sidaas ayuu yidhi Dr Cirro.

Guddoomiye Cirro ayaa la waydiiyay su’aal nuxurkeedu yahay in aanu Madaxweynuhu xammilin hadalkiisii, islamarkaana u muuqdo mid wali ololihii ku jira waxaanu ku jawaabay “Doorashadii waynu galnay, guusha madaxweynuhu sheeganayana sidii ay ku timid waynu ogayn laakiin, xisbigu isaga oo tudhaya wuxuu go’aan ku gaadhay in Madaxweynaha kursiga looga hadho, marka madaxweynuhu malaha wali muu rumaysan in looga hadhay kursigii ee ha loogu dhaarto.”

 

Madaxweyne Muuse Oo Dr Cabdiraxmaan Cirro U Jawaabay

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.