“Muuse Biixi Hargeysa Ayuu Ka Yimid…,” Cabdiwali Gaas

0
736 views

“Muuse Biixi Hargeysa Ayuu Ka Yimid…,” Cabdiwali Gaas

Hoggaamiyaha maamulka Soomaaliya ee Puntland Cabdiwali Gaas ayaa shacabka dalkiisa ugu baaqay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Somaliland waxaanu ku andacooday in uu sii wadayo dagaalka degmada Tukaraq. Waxa uu ku celceliyay kalmado u muuqda calaacal oo ah in uu Somaliland ku eedeeyo gooni u goosato Soomaali diid ah.

“Muuse Biixi iyo dawladdiisa gooni u goosadka ah waxaan u sheegaya in Puntland diyaar u tahay difaaca dalkeeda oo ay iska celiso cid kasta oo ku soo duusha. Waxay ku socdaan(Somaliland) xaqdarro, dhul aanay lahayn ayay rabaan in ay qabsadaan oo xoog ku haystaan suurto galna maaha.

“Dadka reer Puntland waxaan u sheegaya gudo iyo dibadba meel walba oo ay joogaan in ay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda, in ay u diyaar garoobaan dagaal dheeraad ah, in ay u diyaar garooban in ay sharaf ku noolaadan. Waad garanaysaan Muuse Biixi Hargeysa ayuu ka yimid inta uu Tukaraq yimaaddo in uu ku naaloodo oo nabad ku joogo suuro gal maaha,” Sidaas ayuu yidhi Mr Gaas.

 

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.