Muuse Biixi Doorashada Helimaayo,lagana Helimaayo! W/Q:Garyaqaan Abdirazik Dallo

0
65 views

Muuse Biixi Cabdi waa murashaxa jagada madaxwayne ee xisbiga #kulmiye ee haatan talada dalka haya , muuse waxay dadka badankiisu ka aaminsanyihiin in uu yahay nin ad adag , qalafsan, go’aan qaadasho leh,kali talisa, ,oo jecel in afkaartiisa had iyo jeer lagu shaqeeyo,oo aad moodo in isla wayni iyo kibir badani ku jiraan naftiisa, waana sababta keentay in xisbigu uu ka madhnaado badi siyaasiyiinta miisaanka leh ee dalku leeyahay.

Dhinaca kale xisbiga #wadani ee mucaaridka ah waxa ka tartamaya Gudoomihii golaha barlamaanka Somaliland ee 12ka sano soo hayay xilka gudoomiyenimo , cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi cirro oo inta badan dadku u yaqaanan nin quryan socoda dulqaad badan go’aanadiisuna ku dhisanyiin wada tashi, oo qadariya afkaarta dadka kale, wax laqaybsina leh, wana sababta ay masuuliyiinta miisanka culus ku leh dalka ay isugu tageen xisbiga wadani.

Muuse waa markii ugu goreysay ee uu isku so sharaxo hogaaminta dalka isagoo hore u soo qabtay jagooyin wasaaradeed sida wasaarada arimaha gudaha halkaas oo ay dadka qaarkii aminsanyiin in uu ku fashilmay .

Hadaba muuse isagoo ilaalinaya sharaftiisa mustaqbalka kana badbaadinaya mugdi siyaasadeed iyo aamin darro xaga dadka ah, waxa uu awoodiisa oo dhan u adeegsanayaa sidii uu u hananlahaa hogaaminta dalka , waxaanu ku dadaalaya oo uu isku dayayaa si kastaba ha ahaate in uu ku guulaysto hogaaminta dalka .

Hadaba waxa iswaydiin leh muuse biixi mahaystaa taageero ku filan si uu ugu guulaysto doorashada?,hadaanu haysan ma ogol yahay in la guulaysto?

Sida wadciga dalka ka muuqata ee indhaha dadka iyo dareenkoodabana laga dheehanayo waxaa taageerada dalka ku horeeya xisbiga mucaaridka ah ee wadani oo dalka intiisa badan laga taageersanyahay, halka xisibiga kulmiye uu taageerada ugu badan ka haysto Gabiley oo kaliya ,Saaxil iyo Hargaysana lagula tartamayo inta kalena(sanaag /togdheer/awdal) lagaga horeeyo taageeradoda halka Sool codkeedu aanu cadayn wali cida heli ama u badan doonta.

Xisbiga mucaaridka ah ee #waddani oo kalsoonida dadka intiisa badan haysta waxa uu aaminsanyahay in uu 80% ku guulaysanayo doorashada madaxwayne ee dalka ka qabsoomaysa , taasi oo laga dhandhansan karo in xisbiga #wadani iyo tageerayaashiisu aanay si hawl yar ku aqbali doonin natiijada doorashada hadii uu ku guulaysto xisbiga talada haya ee kulmiye .

Sida hadalkayga ka muuqata muuse biixi waxa uu rabaa in Xaq iyo Xaq-darro ba uu ku guulaysto halka cabdiraxmaan cirro uu rumaysanyahay doorashadauu helayo oo uu cod ku filan haysto.
(Laba kala maan ah bal kala saari)

Hadaba su’aasha kale ee meesha imaynaysa waxa ay tahay : hadiiba khilaaf yimaado yaa xalinaya khilaafka ee lagu kalsoonan kara?

#Maxkamadda sare : waxay lumisay kalsoonidii dadka intiisa badani ay ku qabeen markii ay xalin kariwayday khilaafkii yara ee Golaha Barlamaanka Somaliland , xisbiga wadani iyo taageeroyaashiisuna shakir gaara ayay ka qabaan oo kuma halsoona.
#GolahaGuurtida: waxa looga bartay in ay la saftaan xukuumada sida ka muuqatay fadhiyadoodii ugu dambeeyay , xisbiga wadani na haba yaraatee wax kalsooniya oo uu ku qabo ma jirto guurtida.
#Fasyal cali waraabe oo ah murashaxa xisbiga Ucid oo isaga aad moodo in aanu rajo badan ka qabin doorashada waxan shaki ku jirin in uu la safanayo kulmiye.

Hadaba waxa imbadani is-waydiinaysa maxaynu ka dhaxlaynaa khilaafka noocaas ah hadiiba uu yimaado?

Jawaabta oo kooban hadii aan isku dayo in aan idiin soo gudbiyo,natiijada ugu wayn ee aynu ka dhaxlayno khilaaf noocaasi ah, waxa ay noqonaysaa; in Gabi ahaanba meesha ay ka baxdo oo ay Burburto Jamhuuriyadii 26ka sano soo jirtay ,ee rude model ka iyo Astaanta Dimuqraadiyada u ahayd wadamada Africa intooda badan ee lagu yaqaanay isutanaazulka iyo kala dambeynta ,waxa meesha ka baxaysa kalsoonidii ay inagu qabeen beesha caalamka iyo midowga yurub (EU), waxa burburaysa nabadii iyo kalsoonidii ay dadku ku naaloonayeen muddada badan, waxa ay markale inoo horseedaysaa qax iyo qaxoonti horleh, waxa fursad inoo helaya cadawgii xeeladda u waayay burburinteena.
________________________
Su’aal muhiima:
#madaxwaynaha dalka mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo oo sumcad badan dalka iyo dadka dhexdiisaba ku leh raadinayana in uu taariikh fiican kaga tago dalka ,ma ogolaanayaa in uu dalku ku burburo gacantiisa oo uu noqdo madaxwaynihii ugu dambeeyay ee #Somaliland?

w/Q:Abdirazik Hassan Omar ( dallo)

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here