Muran Ka Aloosmay Cidda Ah Marwada Koobaad Ee Maraykanka

0
196
Ivana Trump attends the Fashion Institute of Technology Annual Gala benefit at The Plaza on Monday, May 9, 2016, in New York. (Photo by Michael Zorn/Invision/AP)

Xaaskii hore ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Ivana, ayaa Isniintii si   kaftan ah u sheegtay inay tahay marwada koowaad maaddaama ay ahayd xaaskii u horreysay ee Trump. Melania Trump, oo ah marwada xilligan ee Madaxweynaha ahna marwada 1-aad ayaanay arrintaasi farxad galinin.

Wareysi ay warbaahinta ABC barnaamijkiisa Good Morning America, siisay Ivana Trump waxay ku sheegtay in inkasta oo ay haysato telefoon toos ah oo ay Aqalka Cad kula hadasho, ay haddana isku dayeyso inaanay aad u wic wicin ninkeedii hore, maxaa yeelay bay tidhi “ma doonayo inaan keeno wax hinaaso ah ama wax la mid ah maxaa yeelay waxaan ahay marwadii u horreysay ee Trump. waxaan ahay marwada kowaad waa sax.”

Afhayeenka Melania Trump, Stephanie Grisham, ayaa hadalkan ugu yeedhay “inuu yahay mid lagu raadinayo in lagu soo jiito indhaaha shacabka. Grisham ayaa sheegtay in marwada koowaad “ay jeceshahay inay ku noolaato Washington, DC sharafna ay u tahay nasiibka ay u yeelatay inay noqoto marwada koowaad ee Maraykanka. Iyadoo sheegtay in Malenia ay qorsheyneyso in darajadeeda iyo doorkeeda ay u adeegsato inay ku caawiso carruurta, laakiin aanay ku iibin buugaag.

Ma cadda in madaxweynuhu uu ka warqabay xaaladdan. Wuxuu maalintii Isniinta ciyaarayay cayaar golf ah oo uu la yeeshay Senator ka tisan xisbiga Jamhuuriga ee Lindsey Graham. Madaxweynuhu waxa uu guursaday Ivana Trump sanadkii 1977-kii waxaana ay kala tageen 1992-dii. Waxa ay isu dhaleen saddex carruur ah oo kala ah, Donald Trumka yar, Ivanka iyo Eric.

Ivana Trump ayaa hadda wadda buuggeeda cusub ee ay kaga hadleyso korinta ilmaha Trump ee la yidhaahdo Raising Trump.

Melania waa xaaskii saddexaad ee uu guursado Trump iyo hooyada Barron Trump.

Source: VOA

Sayruuqnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here