Munaasibad Madaxweyne Farmaajo Ka Qayb Gali Laha Oo U Baaqatay Xiisadda Tukaraq

0
89 views
Taariikh Xumada Cabdweli Gaas ka Taransaday Tukaraq: Cumar M. Faarax

Iyada oo habeennimadii xalay uu qorshuhu ahaa in magaalada Garoowe lagu qabtay munaasabadda Sanad-Guuradii Afraad ee maamulka Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa loo baajiyay xiisada colaadeed ee ka soo cusboonaatay Gobollada Bari ee Somaliland kadib markii ciidamada Qaranku shalay ku ruqaansadeen aagga Tukaraq.

Ciidamada Somaliland ayaa shalay ku dhaqaaqay degaammo ay ku sugnaayeen ciidamada Puntland kadib markii laga shakiyay faro gelin uu Madaxweyne Farmaajo ku soo sameeyo ciidda Somaliland. Ciidamada Ayaan iska caabin kala kulmin degaannada ay ku ruqaansadeen waxaanay sheegayaan wararka hor dhaca ah in saaka ay degan tahay xaaladda degaannadaasi iyada oo shalay galab uu halkaasi soo kormeeray guddoomiyaha gobolka Sool.

Munaasabada Sanad-guuradii Afraad ee ka soo wareegtay markii la doortay madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo lagu qabanayay Garoowe waxaa ka qeybgali lahaa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu horkacayo oo ku sugan magaalada Garoowe. Sidoo kale, waxaa lagu martiqaaday oo Garoowe u tagay ka qeybgalka munaasabada marti-sharaf kala duwan oo isaga kala timid dalka gudihiisa iyo dibeda intaba.

Waxaa la mamnuucay gebi ahaanba isu socodka gaadiidka xamuulka iyo rakaabkaba ee isaga kala gooshi jirey Puntland iyo Somaliland. Dawladda Somaliland ayaa sheegtay in aanay xuduudaheeda ka bixin halka Puntland ku doodayso in la soo weeraray.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.