Mulkiilaha Kooxda Chelsea Oo Dhalashada Isra’iil Qaatay

0
350 views
Mulkiilaha Kooxda Chelsea Oo Dhalashada Isra'iil Qaatay

Mulkiilaha Kooxda Chelsea Oo Dhalashada Isra’iil Qaatay

Roman Abrahomovich oo ah nin hodan ah oo leh kooxda Ingiriiska ka dhisan ee Chelsea ayaa la sheegay in la siiyay jinsiyadda dalka Israa’iil, kadibna uu qaadan doono baasaboorka dalkaas.

Wararka waxa ay sheegayaan in ninkan oo haystay dhalashada dalka Ruushka uu u safray Israa’iil kadib markii uu dhacay fiisihii uu ku gali jiray dalka Ingiriiska, kaas oo loo malaynayo in aanan loo cusboonaysiinin sababo loo tiirinayo xidhiidhka dublamaasiyadeed ee Ruushka iyo Ingiriiska kadib markii sunta lagu weeraray Sergei Skripal oo ahaa sirdoon Ruush ah.

Dadka wata baasaboorka Israa’iil ayaa fiiso la’aan ku gali kara Ingiriiska.

Ninkan ayaa ka mid ah dadka ugu taajirsan adduunka, majaladda Forbes-na waxa ay hantidiisa ku qiyaastay $11.5bn.

Abrahomovich ayaan ka qeybgalin ciyaartii bishan dhexmartay Chelsea iyo Manchester United, taas oo kooxdiisa ay guushu ku raacday.

Waxaa la sheegay in uu hotel ka iibsaday magaalada Tel Aviv, balse uu u bedalay deegaan caadi ah sida ay qortay warbaahinta dalkaas.

Xidhiidhka Ruushka iyo Ingiriiska ayaa aad u xun illaa markii uu dhacay weerarkii Sergei Skripal iyo gabadhiisa Yulia.

Sharciga Israa’iil ka jira ayaa waxa uu yahay in qofka Yuhuudiga ah uu qaadan karo dhalashada dalkaas meel kasta oo uu adduunka ku dhashay.

Source: BBCSomali

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.