Mujaahid Cali Gurey iyo Xildhiban Nac-Nac Oo Jabuuti Ugu jawaabay si kala duwan oo Ku saabsan Saldhiga Ber-bera.

0
2 views

Hargeysa(sayruuq) Mujaahid Cali Gurey iyo Xildhiban Nac-Nac ayaa sidda lala wadda socdda ka midda hal xisbi qaran kaaso ah xisbiga Muxaafidka ee Kulmiye.

Cali Yusuf (Cali Gurey):-

Dr Ismaciil Wacays anigu waan aqaan waana saaxiibkay. Jinsiyad Jarmal ahna wuu haystaa muddo ayuu hadda yahay la taliyaha Madaxwayne Geelle dhinaca Arimaha Dhaqaalaha. In ka badan 24 sanadood ka hor ayuu qaatay shahadadda PhD waana dhaqaaleyahan. 1993kii ayuu Hargeysa yimi isaga oo mashruucii GTZ ee Dhinaca Abaabul ka saarka(DDR) ee NDC caawin jiray madax ka ahaa. Si xad dhaaf ah ayuu wakhtigaa Somaliland u jeclaan jiray wax badana GTZ wuu uga qabtay Somaliland. Waxan hubaa 100% in hdalkiisii maantu uu ka ahaa nasteex cid u joojinaysase u malayn maayo inay jirto. Wuxu inagu soo kordhiyay arimo mudan in la is kortaago oo ka fiirsigooda leh. Saaxafadda dunidu aad bay maalmahan u hadal haysay arinka Saldhigga Imaaradka inagana waxaynu ka ognahay oo la inala socodsiiyay ma jirto. Xukuumaddu arinkan inay u talo balaadhsato oo dhinaca danta guud laga eegaa way fiicnaan lahayd hadii ay suurtogal tahay.

Xildhiban Axmed Maxamed(Nac-Nac)

Xildhibanka ayaa kaga jawaabay idinkuba jabuuti oo hargeysa leeg ayaa siiseen 7 saldhig oo ciidan ee anagga tayadda faraha ka qaadda.
Isagoo hadalkiisa ku daray lughaya iyo saylac ayaan ka furan doonna.

Faallo:-

Jabuuti Marka hore Ber-Bera waxba kama gelin ee fikirka qofkuna waa mid isaga khusaysa wax dowlad ka soo baxay maaha waxa uu sheegay la taliya madax-weynaha jabuuti.
Ee waxaa is weydiin leh Nac-Nac waxa uu ku keenay Lughaya iyo Saylac iyadoo somaliland xeebteedu weyn tahay.
Midda kale maxaa sababay in Kulmiye dhaxdiisu aay aad ugu kala fog yihiin arinta saldhiga ber-bera.

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here