Mudane Wakillada Katirsan Oo Xukuumadda Ugu Baaqay Inay Is Casisho, Maadaama Oo Ay Xal u Helidda Sicir-bararka Ku Fashilantay

0
5

Hargeysa(Sayruuq)-Xildhibaan Faarax Maxamed Cabdille(faarax-dheere) oo katirsan mudaneyaasha golaha wakiillada ee xisbiga KULMIYE, ayaa si weyn uga dayriyey xaalladda waddanku marayo, sicir-bararka iyo korukaca dollarka ee isbarkan, waxana uu xukuumadda ku dhaliilay fulin la’aanta go’aamadii arrintan xalka u ahaa ee uu madaxweynuhu soo saaray horraantii sanadkan 2017-ka.

Xildhibaan Faarax-dheere oo warbaaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo dhaqangeliyo go’aamadii uu madaxweynuhu hore uga soo saaray dhibaatada sicir-bararka, waxana uu ku adkaystay in xukuumadda looga baahan yahay inay is casisho, maadaama oo ay go’aamadaas fulin kari weyday, waxana uu yidhi,“Sicir-bararka taagan dawladdu go’aamo ayey hore uga gaadhay, laakiin go’aamadiina ma soconin, sababta ay ku socon waayeena garan maynee waa inay socdaan go’aamadaas madaxweynuhu sicir-bararka kasoo saaray, haddii kale dawladdu meesha ha iskaga tagto, runta in laga gabbodana ma ahee haddii wareegtadii madaxweynuhu socon weyday xilka ha iska dhigaan oo ha is casilaan, haddii aanay waxba qaban karayna inay is casilaan dan baa ku jirta.”

Dhinaca kale waxa uu xildhibaanku dhaliilo culus huwiyey guddida abaaraha ee heer qaran, waxana uu sheegay inay xilkoodii kasoo bixi waayeen, isaga oo madaxweynahana ugu baaqay inay kala diro oo beddelkooda magacaabo cid umadda abaaraysan wax gaadhsiin karta, “Guddida abaaruhuna ha is casileen, haddii ay leeyihiin wax baa naloo dhiiibi waayeyna xaaladdu way adag tahay oo waa la garanayaa, waxase cad inaanay waajibkoodii sidii uu ahaa u gudane ha is casilaan, madaxweynuhuna waa inuu guddi kale magacaabaa oo uu weliba qaar umadda xil u haya magacaabo, waayo kuwan xataa madaxweynuhu muu dhaarin, lagana faa’iidi maayo qofkii waxan musuqmaasuqaa,” ayuu yidhi xildhibaan Faarax Dheere.

Mudane Faarax Dheere oo inta badan dhaliilo gaabiska ku jira go’aamadii xukuumaddu hore uga soo saartay arrimaha sicir-bararka, ayaa hadalkiisu waxa uu marag ka yahay sida ay bulshadu uga niyadbasan tahay dhaqangelin la’aantaa go’aamadaas oo loo arkayey inay xal degdeg ah ka noqon karaan dhibaatada dhinaca maceeshadda ka haysata bulshada Somaliland, balse xukuumadda Ayaan weli wax jawaab ah oo umaddu ku qanacdo ka bixinin sababta ay go’aamaddaas uu madaxweynuhu soo saaray u hirgeli waayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here