“Mudane, Madaxweyne maanta waxaad tahay odeyga umadda, ” Barkhad Batuun

0
88 views

Mudane, Madaxweyne maanta waxaad tahay odeyga umadda, Adigaa xilka qaranka ugu sarreeya haya. waxaa kula gudboon inaad noqoto geed hadhac weyn oo dadkuna wada hadhsadaan. Naxligii yo Nacaybshihii umaddeed ee xanafta iyo xanuun qabyaaladdeed ku reebay quluubta Shacabka Somaliland ee Doorashadii xisiyadda ee xaafadaha tartamaya noqtay lagu galay reebtay raadkeedi wali waa qoyan yahay waxaana daliil kaaga filan qoraalada iyo qawlka la isku waydaarsanayo bar kullanada bulshada. Inaad Waddooyin dhisto, inaad haayado dawladeed habeyso, inaad biyo iyo caafimaad ka shaqeyso waxaa ka awlaysan iney mid tahay qaluubta shacabkaagu caddaalad iyo sinnaana ku hoggaamiso mudo xileedkaaga Adigana sharaf weyn ayey taasi ku tahay oo taarikhdaada ku galaysa. Qalbiyada kala jeeda ee umaddu waxay sababaan cadho Alle oo dhaxalkeedu noqdo Abaar iyo Arin xumo. Haddaba Madaxweyne Adigoo adeegsna haybadaada dawladeed kaashanayana Hal~abuurka dalka Madaxda Xisbiyadda qaranka, madaxda goolayaasha qaranka, culimada iyo Madaxda dhaqanka bulshada waxan kugula tallin lahaa inaad berri ila galbeed safar samo~tallisnimo ah oo qalbiyada shacakaaga isugu soo jiidayso ku gaala bixiso oo bulshadii ku dooratay iyo kii ku diidanaaba adinkaaga iyo afkaaga ku gaadho kana timaado iyagoo mid ah sharataada hoggaamineedna waa shackaaga oo gacmaha is wada haysta waxayna dawo ka noqoneysaa in cudurka iyo caqabada qabyaaladdeed laga gudbo dalka iyo dadkuna horumar gaadho cadow kasta oo carqalad wadana cabsi gasho. balse intay sidan wax u socdaan xaaladeena rajo beel.

Barkhad Jaamac Batuun

Comments

comments

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.